Maxaabiis reer
Sool ah oo taabacsanaa maamulka Somaliland oo maamulka Puntland
cafis u fidiyay
(Laascaanood, Nov 23, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa
magaalada Laascaanood soo gaadhay qaar
kamid ah maxaabiis dhawaantan lagu qabqabtay duleedka
degmada Taleex ku
waasi oo xilal kala duwan ka hayey maamulka Somaliland,
waxaana gacanta ku dhigay ciidamo
ka socday maamulka Puntland
oo amar ka watay madaxwayne ku xigeenka maamulkaa.
Maxkamada
darajada 1aad ee Puntland ayaa xukuno kala
gedisan oo iskugu jira xadhig gaadhaya Shan
ilaa Toban sanadood horayugu kala xukuntay ragan iyagu
dhalasho ahaan kasoo jeeda Magaalada Taleex. Mudo kadib madaxwayanah dowlad
goboleedka Puntland mudane
Abdirahman Sh.Mohamed Faroole
ayaa cafis u fidiyey kadib codsiyo kala gedisan oo ay u
gudbiyeen cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada
Taleex.
Masuuliyiintan
oo kaga dalbanayey in la siii daayo maxabiistaasi,
kadib cafiskii madaxwayanaha Puntland waxa
ay ku soo guryo noqdeen Laascaanood.
Nimanka Maanta cafiska loo fidiyey ayaa xilal kala gedisan
ka hayay maamulka
Somaliland. waxaana kamid ahaa
Gudoomiyihii Maxkamadda G.Sool,
Gudoomiyihii Waxbarashada G.Sool,Xeer
ilaaliyaha Gobolka Sool,
iyo Ilaaladoodii.
Waxaa
xiligii la qabtay lala qabtay gaadiid koodii oo
dawladeed eeSomaliland
ku
waasi oo ay la wareegeen saldhigyada Garowe
ee maamulka Puntland.