Ciida Barakaysan ee Ciidul Adxaa
ayaa Maanta Si wayn looga Ciiday guud ahaanba
Caalamka oo idil Waxaa magaalada laascaanood ee
Xaruunta Gobolka Sool Fagaarayaasha lagu Tukado
salaada Ciida iskugu Soo baxay Dad wayne aad u
fara badan kuwaas Wajiyadooda ay ka muuqatay
Farxad aan la qiyasi karin, warbaahinta Caalamiga
ah ee Ceegaag ayaa Waxay Fursad u siisay Qaar
kamid ah Dadkaasi inay salaamaha u soo mariyaan
Ceegaag.com
Magaalada Ayaa waxaa Wadooyinkeeda waaawayn lagu
arkayey dad aad u fara badan kuwaas oo isku
salaamaya salaanta *Ciid Mubaarak* iyo Kalmado la
Halmaala,
Ciidan ayaa ah Ciid si wayn looga Dareemayay
Magaalada lascanod iyado ka duwan Ciidihii Hore,
sidoo kale waxaa Xaafadaha Kala Duwan ee Magaalada
Lagu arlayey Neefaf Alle Bari ah kuwaas oo Ay
kaga Qayb Qaadanayeen Ciida Barakaysan ee Ciidul
Adxaa.
Daawo Sawiro
http://www.youtube.com/watch?v=QjP6F2cxZs0
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood