Banaabax loogu magac daray
maalinta cadhada ayaa lagu qabtay Garoonka burburay ee
Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, Oct 09, 2011
Ceegaag Online)
Madaxwaynaha iyo
Raysal wassaraha Soomaaliya oo ka qayb qaatay banaanbaxa
cadhada shacabka oo maata ka dhacay xaafada Cabdalcasiis
eemagaalada Muqdisho.
Madaxwayne
Shariif ayaa shaaca ka qaaday in uu aad ugu xun yahay in
dadka Soomaaliyeed loo adeegsado shaati diimeed oo lagu
gumaadowaxaana hadaladiisii kamid ah
Dhagayso
Sidoo kale
Raysalwasaare Cabdiwali ayaa sheegay inay dhisi doonaan
dhismayaasha ay dumiyaan kuwa looga adkaaday mabaadiidada
iyo dhinaca awooda ee miciinka biday gumaadka shacabka
Waxaana uu yidhi
Dhagayso
Dibad bax balaaran oo ay ka qeybgaleen kumannaan ka mid
ah dadweynaha Muqdisho isla markaana looga soo horjeeday
xasuuqa ay kooxdaAl-shabaab ku hayaan shacabka Somaaliyeed
ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.
Isu soo baxan oo ahaa kii ugu weynaa oo muddooyinkan ka
dhaca Muqdisho ayaa waxaa ka qeybagalay qeybaha kala duwan
ee bulshada oo ay ugu horreeyaan ardayda, waalidiinta ayaa
waxa ay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka
magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku qeylinayay halku dhegyo ka
dhan ah malleeshiyaadka Al- Shabaab.
Dibadbaxayaasha oo markii dambe isugu soo ururay garoonka
kubbadda cagta ee Koonis ayaa waxaa halkaasi kula hadlay
mas’uuliyiinta ugu sar sareeya dowladda oo ay ka mid
ahaayeen Madaxweyne Shariif R/wasaare C/weli, wasiirro
Xildhibaanno saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta gobolka.
Gudoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo
halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay
gumaadka ay shacaka ku hayaan kooxda Al-shabaab isagoo
dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in shabaab loo awood
sheegan doono, waxa uuna yidhi
Dhagayso
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arimaha
diinta Ugaas Bile oo madax u ah guddi uu madaxweynuhu u
magacaabay sidii ay u daryeeli lahaayeen dadkii ku
waxyeeloobay qaraxii ardayda lagu laayay oo halkaasi ka
hadlay ayaa warbixiyay xaaladii dhaawacyada la qaaday.
Ugaas Bile ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay qaaday
36 ka mid ah dhaawacyadii ugu darnaa oo ay ay wehliyaan 36
kale oo eheladooda ah, wuxuuna tacsi u diray arday
geeriyooday markii la qaaday kadib kaas oo lagu magacaabo
Asad Cabdi Saciid, lix ka
mid ah dhaawacyadaasi ayuu sheegay in xaaladuudu ay aad u
liidato. Waxaa hadladiisii ka mid ahaa
Dhagayso
Dibad baxaasi ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u nabdoon
iyadoo ciidamada dowladuna ay ku guuleeysteen sugidda
amaanka dibadbaxayaasha.
Xuquuqda sawirda waxaa iska leh
Radiomuqdisho.net
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|