Beesha Hayaag oo bayaan ay ka
soo saareen degmada Ceegaag ku taageeray shirka wadatashiga
beesha Dhulbahante ee ka dhacaya dagmada Taleex ee gobolka
Sool
(Ceegaag, Oct 15, 2011
Ceegaag Online)
Shirwayne baryahanba uga socday beesha
Hayaag magaalada Ceegaag ayaa shalay la soo gabagabeeyay
iyadoo shirkaas ay ka qaybgaleen dhammaan waxgaradka beesha
sida cuqaasha, culumaauddiinka, haweenka, aqoonyahannada iyo
waxgardka beesha.
Shirkaas oo furmay bishan October 11,
2011, waxaa wadatashi dheer oo ay qaateen beesha gudaha iyo
dibaddaba ay islaqaateen in shirka wadatashiga Dhulbahante
si buuxda looga qaybqaato lagana shaqeeyo sidii beelwaynta
Dhulbahante laysugu soo dhawayn lahaa si looga baxo
jaahwareerka siyaasadeed ee beesha ku habsaday illaa
burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
Dr.Cabdirashiid Maxamuud Cali Saxar oo
kamid ahaa dadkii ka qaybgalay shirkii ka dhacay Degmada
Ceegaag kana mid ah guddiga qabanqaabada gudaha ee beesha isla
markaana ah xubinta beesha Hayaag u matalaya guddiga
qabanqaabada ayaa Ceegaag online qadka taleefoonka kula soo
xidhiidhay una xaqiijiyay in ay gabi ahaanba beeshu
diyaariyeen wixii qayb ahaan kaga soo aaday ergooyinka
shirka uga qaybgalaya beesha yo agabkoodiiba iyagoo si toos
ah uga ambabixidoona magaalada Ceegaag
Dr. Cabdirashiid oo saaka nagala soo
xidhiidhay magaalada Laascaanood ayaa noo sheegay in ay beeshu qaybsatay ergooyinkii diyaarna ay ku
yihiin magaalada Ceegaag. Mar aannu wax ka waydiinay Dr.
Cabdirashiid cidda soo xushay ergooyinka ayuu noo sheegay in
ay si wadajir ah u soo xuleen cuqaasha beesha iyo
aqoonyahannada beesha iyadoo habayaraatee aan wax khilaaf
ahi ka dhicin.
Waxaa bayaankan soo saaray:
1)
Chief Caaqil Cabdillaahi Cali Abokor
2)
Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh
3)
Caaqil Cabdi Ciise Guduri
4)
Caaqil Cabdillaahi Cawil Faarax Dabataag
5)
Caaqil Xasan Ciise Wacays
6)
Wakiil Caaqil Cawaale Jaamac Raygal
7)
Oday Axmed Ducaale Suullow
8)
Oday Cabdi-riigle Xaaji Cali Cilmi
9)
Oday Cabdikariin Axmed Muuse Cawl
10)
Oday Ibraahim Axmed Cali Dabagooye
11)
Oday Cawil Cali Abokor
12)
Oday Xiis Ibraahin Raygal
13)
Oday Maxamuud Xasan Cawl (khamriile)
14)
Oday Ismaaciil Axmed Xaaji Ducaale
15)
Oday Cabdillaahi Awaadan Xaaji Xuseen
16)
Oday Maxamed Cali Caateeye (cagajar)
17)
Oday Cabdiguray Ismaaciil Gamadiid
18)
Oday Jaamac Ismaaciil Dhible
19)
Oday Maxamed Baaruud Cali Caateeye
20)
Oday Hurre Mire Cabdi
21)
Oday Sulub Gaas Guutaale
22)
Oday Cabdi Cali Abokor
23)
Oday Ismaaciil Cali Cadmeed
24)
Oday Cabdirashiid Faarax Isaxaaq
25)
Oday Maxamed Bile Awxasan
26)
Oday Faarax Mire Cabdi
27)
Oday Baashe Cabdi Faaerax Guutow
28)
Oday Xirsi Cali Cawl
29)
Oday Ciise Cawil Faarax
30)
Oday Cismaan Tooxyare
31)
Oday Mahdi Jaamac Caliyare
32)
Oday Cabdi Awxasan samatergiir
33)
Oday Gaagaale Xasan Daacad
34)
Oday Cawil Cabdi Suldaan
35)
Oday Cali Weerer Maxamuud Cali
36)
Oday Axmed Saleebaan Jaamac(Gacanqulaab)
37)
Oday Qaaim Maxamuud Goorxungowrac
38)
Shiikh Maxmuud Cabdi Jaamac Gaydh
39)
Dr. Cabdirashiid Maxmuud Cali Saxar
40)
Aqoonyahan Cabdi Maxamed Xaaji Cabdi (Black)
41)
Aqoonyahan Cabdalle Xuseen X. Cali
42)
Aqoonyahan Cabdirashiid Maxamed Cawl
43)
Aqoonyahan Xaashi Cali Dhallinyaro
44)
Aqoonyahan Xasan Faarax Suudi Dixad
Wixii
faahfaahin dheeraada raba hakala xishiidho Dr. Cabdirashiid
Maxamuud Cali Saxar, (252) 243-18029
webmaster@ceegaag.com
|