Ceelkii labaad (2) ee laga
hirgalinayay degmada Ceegaag oo shaqadiisu meel fiican
marayso.
(Ceegaag, Oct 10, 2011
Ceegaag Online)
Iyadoo
laga soo wareegay muddo labaatan casho ah furitaankii
ceelkii ay hay’adda NPA ka hirgalisay degmada Ceegaag ayaa
dhinaca kale waxaa si xawli ah u socda qoditaankii ceelkii
labaad ee ay isla degmadaasi yeelato kaas oo ay hirgalinayso
hay’adda SCERDO ee fadhigeedu yahay magaalada Edmonton ee dalka Canada.
Khubaro
booqatay goobta laga qodayo ceelka labaad ee Ceegaag ayaa
Ceegaag Online warbixin ay u soo direen ku sheegay in
qoditaanka ceelku meel fiican marayo illaa haddana aaney
jirin wax cillad ah oo ku yimi qodidaankiisa. Khabiirka
gacanta ku haya qoditaanka ceelka oo u dhashay dalka Suuriya
(Syria) ayaa u xaqiijiyay khubaradaas in ay muddo yar ku soo
afjarada ceelka kuna rajo waynyihiin in ay biyaha ku
gaadhaan cabirkii loogu talo galay in lagu gaadho oo ahaa
illaa 300 mitir.
Dhinaca
kale ceelkii ay hirgalisay hay’adda NPA ee Ceegaag ayaa si
wanaagsan u shaqaynaya isagoo ay ku liibaaneen dadwaynaha
deggan degaankaas isagoo saacaddii soo saara ilaa 90 foosto.
Tan iyo intii laga bilaabay magaalada Ceegaag labadan ceel
ayaa dhinaca kale waxaa si xawli ah u socda dhismayaasha
gaarka loo leeyahay iyadoo ay xusid mudantahay in uu
labanlaabmay sicirkii dhulka degmada Ceegaag iyadoo halka
balloodh ee nooca “A” loo yaqaan lakala siisto $4000 oo
dollar.
Dhawaan
waxaa shabakadda wararka ee Ceegaag.com idiin soo gudbin
doontaa barnaamijyo taxane ah oo ka hadlaya horumarinta
degaankaas gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka,
biyaha iyo deegaanka.