Mashruuca Magaalaynta ee
Ceegaag oo daboolka laga qaaday
(Ceegaag, Oct 18, 2011
Ceegaag Online)
Kadib markii lagu guulaystay in laba
ceel-biyood laga hirgaliyo Ceegaag, ayaa waxaa miiska lasoo
saaray Mashruuca Magaalaynta Ceegaag oo habacsanaan ka soo
gaadhay Biyo la’aanta deegaanka. Mashruucan ayaa laga
bilaabayaa Ceegaag sida aanu ka helnay ilo wareedyo aanu
kalsooni buuxda ku qabno waana sidan mashruucu.
Tusaale:
- Dhisida
wado-lugeedyo 7 kun oo iskuweer Foodh ah..
- 3 hektar oo
barxad doogeed ah siiba agagaarka baliga.
- 4 kilometer oo
dabgalin korotayn ah.
- 2 kilometer biyo
galin ah.
- Boosaneerooyin
casri ah.
- 1 kilometer oo
PVC tuubooyinka bulaacadaha ah oo wata biyo qabatinadooda.
- Aalada
isgaadhsiinta oo iskeed u madax banaan dhinaca Talefoonada
gacanta iyo kan guryaha iyo aalada shabakadaha Qaybayaasha.
Dhinaca kale waxaa la adkayndoona
sharciga dhulka oo aa marnaba la dhaafin doonin 400 ee boos
ee horay loo cayimay iyada oo 100 guri oo ilaa 30 kamida
dhaqaalahoodu hada diyaartahay laga hirgalinayo magaalada si
loo dhamaystiro bilicda magaalanimo ee Ceegaag.
Waxaa kale oo isna la dhamaystiriyaa
mashuuruucii kaydinta biyaha roobka iyada oo loo isticmaali
doono waraabka rusheenta magaalada iyo waraabinta Duurjoogta
Ceegaag siiba Daayeerada Goriilayaasha ah.
Eng. Xuseen Fiin
Boston, USA
webmaster@ceegaag.com
|