Baaq Nabadeed ay soosaareen dhamaan Isimada, odayaasha,
aqoonyahanada, haweenka ganacsatada iyo dhalinyarada Beelaha
Meheri –Soomaalaya kaa soo ay ka soo saareen Dagaalkii
dhawan ka dhacay Magaaldada gaalkacyo gaar ahaan xaafadda
Garsoor
(Gaalkacayo, Sep 05, 2011
Ceegaag Online)
Shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Beelaha MEHERI oo ay ka soo qayb galeen qaybo
ka mid ah Isimada, Aqoonyahanada, Odayaasha,
Dhallinyarada, Ganacsatada iyo Haweenka ayaa waxaa
looga hadley dagaaladdi lagu dhamaaday ee ka
dhacey Magaalada Gaalkacyo maalmihii la soo
dhaafey.
Shirkaan ayaa ka dhacay Magaaladda Gaalkacayo
iyadoo qadka taleefanka ay kaga qeyb qaadanayeen
Qurbajoogta ku nool daafaha Caalmaka ee Beesha
Meheri Soomaal, Waxaynu Beesha soo saartay Baaqyo
kala Duwan oo ka Kooban Qodobaddaan hoosta ku
qoran:-
1. Waxaan
aad uga xunahay dagaalka ka socda magaalada
Gaalkacyo ee lagu qaaday xaafadda Garsoor, oo lagu
daadiyay dhiiga xurmada leh ee dadka riximka,
Muslimiinta, iyo walaahahaba ah, intaba
2. Waxaana
aaminsanahey in dagaalkaasu yahey mid xaaraan ah,
dhaqan iyo sharciba isla markaana ah mid xeer
dhaaf ah, Kaa soo Burbur inuu horseedo mooyee aan
laga faa'ideyn wax horumar ah
3. Waxaanu
tacsi u diraynaa dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii
ay ka geeriyoodeen shacabkii aan waxba galabsan ee
dagaalkaas ku hoobtay, waxaanu leenahay Ilaahay
Marxuumiintaas haka waraamiyo Janatil Fardowsa
intii dhaawacantayna Caafimaad saliim ah, ha ugu
bedelo Aaamiiin.
4. Waxaa
ku baaqaynaa hadii aan nahay beesha Meheri, waliba
cod dheer ku sheegaynaa in laga daayo Xabada xurmo
daradda iyo gulufta colaaleedna la joojiyo, lana
bilaabo wada hadal degdeg ah oo mira dhala iyadoo
lagu xalinayo wada xaajood iyo gogol ay ku dheehan
tahay xaqiiqo raadin rasmi ah.
5. Waxaan
ku baaqaynaa in la joojiyo barakaca socda ama ka
bilowday dagaalka waxaa dadkana ugu baaqaynaa in
ay guryahooda ku soo noqdaan, waxaa la
qeybsanaynaa xanuunka soo gaaray walaalaha aan
daris iyo dhaqan wadaaga nahay ee Beesha Tanade
Darood ama Leelkase.
6. Beesha
Meheri waxay diyaar u tahay in ay gogol nabadeed u
fidiyaan dhinacyada dagaalku dhexmaray anagoo
jecel inaan kaalin libaax ama wax ku ool ah ka
qaadan doono dhexdhexaadinta dagaalkan Garsoor.
7. Beesha
Meheri waxay ku baaqaysaa dadka kujira abaabulka
Dagaalka inay ka waantoobaan colaadiyo gulufna
aysan keeneen wax horumar ah inay wiil hadda nool
in lagu waayo maahee oo reero ay ku gablamaan
sidaa darted dadkaas aan soo sheegnay waa inay ka
waantoobaad.
8. Waxaan
mar labaad idin xasuusinaynaa dhammaan qaybaha
dagaalamaya iyo dadwaynaha Soomaaliyeed gaar’ahaan
reer Mudug in dhiiga muslimiinta xaqdaro lagu
daadshaa ay tahay xaaraan, qofna aysan u
banaanay inuu si sharci daro ku daadiyo dhiiga
walaalkiis kale oo muslim ah Ilaahayna ayaa
maalinta Qiyaamaha kala xisaabtami doona Qof walbe
wuxuu gaystay iyo kaalinta uu ka qaatay daadinta
dhiig walaalaha Muslimiinta ah,
9. Waxaa
idin xasuusinaynaa mar labaad in ay Gaalkacyo dib
ugu noqon wixii ay horay uga soo kabsatay nabada
degaankana ay tahay Muqadas qof walbe oo Islaam ah
ama dagan gobolka inuu kaalintiisa ka qaato.
Afhayeen Beesha Meheri Qaaradda
Yurub
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|