Dagaalka Gaalkacayo ee laba qarxay shalay iyo doraad oo
manta istaagay balse dil gaadma ah loo gaystay taliyihii
Daraawiishta Puntland.
(Gaalkacayo, Sep 03, 2011
Ceegaag Online)
Kadib dilal gaadma ah oo ka socday
magaalada Gaalkacayo sadexdii sano ee la soo dhaafay ayaa
maalintii khamiista ee bisha Sep 01, 2011, waxaa ka bilowday
dagaal qadhaadh oo u dhexeeya beesha Leelkase iyo maamulka
Puntland.
Dagaalkan ayaa waxaa ku nafwaayay dad
ay tiradoodu kor u dhaafaso ilaa kow iyo toban ruux inta la
hubo ku waa soo ka soo wada jeeda ciidamada Puntland iyo
shacabka Leelkase, ee magaalada Gaalkacayo.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii
loo maaro waayay dilalka qorsheesan ee lagu gumaadayay
saraakiisha maamulka Puntland, saraakiishaa oo badanaa ay
dilal gaadma ah ugu geesanayeen magaalada Gaalkacayo dad aan
haybtooda la garanayn, balse iminka u muuqda in maamulka
Puntland dusha u saaray beesha Leelkase.
Warar xog ogaal ah oo naga soo
gaadhaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in dagaalkan
hada ka bilowday Gaalkacayo uu yahay mid xaalad abuura oo
laysaga hor keenayo maamulka Puntland iyo beesha Leelkase.
Maamulka Puntland ayaa ciidamo horleh
geeyay Gaalkacayo halka ciidamo beeleedyo iska soo abaabulay
baadiyaha iyo magaalada Galdogob soo buux dhaafiyeen xaafada
Garsoor ee galbeedka Gaalkacayo.
Dhanaca kale waxaa saaka dil gaadmo ah
koox dablay ahi ku dishay Allaha u naxriistee taliyihii
ciidamada Daraawiishta ee maamulka Puntland Marxuum Maxamed
Muuse Ilka Dheere xilli uu ku sugana aggagaarka Hotelka
Fidni Center ee magaalada Gaalkacyo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|