Dhakhaatiir ka socotey
dalka Turkey oo adeegyo caafimaad ka bilaabay Gaalkacyo
(Gaalkacayo, Sep 23, 2011
Ceegaag Online)
Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee ku yaala magaalada
Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaabmay kaalmo caafimaad oo
balaaran ayna wadaan dhakhaatiir taborucaad uga yimid
wadanka Turkiga ee aynu walaalaha nahay. Dhakhaatiirtan oo
gaaraysa 14 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh sida
Qaliimada guuda, Caruurta, Dhagaha/Sanka/Cunaha (ENT),
Dhakhaatiirta wax suuxiya, Dhakhaatiirta cudurada guud,
Farmashiistayaal, Sheybaaristayaal iyo kuwo kale. Gaalkacyo
waxay dhakhaatiirtu soo gaaren maalintii Khamiista
(22-Sept-2011) waxaana si weyn usoo dhaweeyey Wasiirka
Caafimaadka Puntland, Gudoomiyaha Gobalka Mudug,
Dhakhaatiirta Gobalka Mudug, Isimada,Shaqaalaha Caafimaadka
ee Wasaaradda Caafimaadka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Dhakhaatiirtu waxay saakay hawlgalkoodii ugu horeeyey ee
Puntland ka bilaabeen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxayna
dhakhaatiirtu qaabileen dad aad u faro badan oo bukaano ah
kuwaas oo iska diiwaangaliyey Isbitaalka todobaad ka hor
imaatinka dhakhaatiirta waxaana Isbitaalku uu dadkaasi
siiyey kaarar ay dhakhaatiirta kula kulmayaan. Dhakhaatiirtu
waxay saaka bilaabeen eegista bukaanada ugu yimid xanuunada
kala duwan waxayna qaabileen dad ka badan 200 oo qof oo
bukaano ah kuwaasi oo daaweyn iyo qaliimo loo sameeyey.
Qaliimada ay sameeyeen dhakhaatiirtu maantey waxa ku jirey
kuwo culus oo ay isugu tageen taladooda iyo aqoontooda iyo
kuwo fudud.
Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi
Warsame oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in shaqada
dhakhaatiirtu ku bilaabatey sidii ay ugu talagaleen oo horey
loogu qorsheeyey, dhakhtar kasta wasaaddu waxay u diyaarisay
3 qof oo isugu jira dhakhtar la shaqeeya iyo labo kalkaaliye
oo caawiya. Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay aad ugu
faraxsan yihiin shaqada ay ka bilaabeen Gaalkacyo iyagoo aad
iyo aad uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirnayd iyo
abaabulkii loo galay soo dhaweyntooda iyo martigalintooda.
Dadka laga diiwaangaliyey Isbitaalka Gaalkacyo waxay kor
u dhaafayaan 1500 oo qof sida uu sheegay madaxa xogta ee
Isbitaaliu, Maamulka Isbitaalka iyo shaqaaluhuba waxay u
shaqeynayeen si aad u sareysa iyagoo shaqada u maareeyey hab
wanaagsan waxayna horey waayo aragnimo uga heleen
dhakhaatiirtii hore ee Turkey ee dalka timid 2010 kuwaas oo
aad u shaqo badna aana ogoleyn caajis iyo in meel la iska
fadhiyo.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Mudug Axmed
Faarax ayaa saxaafada u sheegay in dhakhaatiiru ay maantey
qaabileen 286 qof oo 6 ka mid ahi ay ahaayeen qaliimo aad u
culus, kuso daawooyin loo qorey iyo kuwo ay sheegeen inaysan
wax uga qaban karin Soomaaliya aysana waqtigan la socon
dhakhaatiirtii qaabilsanaa qaliimada iyo kabida lafaha,
Indhaha.
Imaanshaha dhakhaatiirta Turkey wax badan ayaa la sugayay
waana kalkii labaad oo ay dhakhaatiir ka socota wadanka
Turkey ay hawlo caafimaad oo taborucaad ah ka fuliyaan
Puntland, sanadkii 2010 ayay ahayd markii ay dhakhaatiirtu
Puntland yimaadeen markii ugu horeysay waxaana la xasuustaa
11 cisho oo ay wadanka joogeen ololihii caafimaad ee ay
fuliyeen kaasi oo ay 4000 oo qof u sameeyeen daaweyn iyo
qaliimo kala duwan. Dad badan ayaa aad ugu caafimaaday mana
jirin qaliin iyo daaweyn ay ku fashilmeen taasna waxay
keentay inay dadku mar walba wasaaradda waydiiyaan goorta ay
soo noqonayaan dhakhaatiirtu, wasaaraddu waxay aad ugu
dadaashey inay codsiyo badan u gudbiso dhakhaatiirta ka
socday Ururka rajada (UHDER) iyo dowlada Turkeyba iyadoo
codsanaysay wasaaraddu inay mar kale caawiyaan shacabka
Soomaaliyeed codsiyadaas oo ay dhakhaatiirtu qadariyeen ayay
ku faafiyeen Soomaaliya oo dhakhaatiirtan raxan ka mid ah
waxay ka shaqo bilaabeen Muqdisho.
Daawo
Sawirada
Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka
webmaster@ceegaag.com
|