Salaad Roob-doon ah oo ay hormuud u ahayd hay'adda
Qadar Charity oo lagu tukaday Fagaaraha Tarabuunka
(Muqdisho, Sep 24, 2011
Ceegaag Online)
Salaad roob-doon ah oo ay hormuud u ahayd haya'dda Qadar
Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa lagu tukaday shalay oo
Jimco ahayd fagaaraha tarabuunka ee Magaalada Muqdisho,
waxaana salaaddaas kasoo qaybgalay xubno ka tirsan dowladda
Soomaaliya.
Salaadda oo qayb ka ahayd mid caalamka oo dhan laga
tukanayay ayaa waxaa dadkii tukaday ka mid ahaa
barakacayaaha abaaraha, dadweyne kala duwan, xubno iyo
shaqaale ka tirsan hay'adda Qadar Charity, maamulka iyo
ardayda jaamacadda Muqdisho.
Ugu horreyn, waxaa khudbad ka jeediyay goobta salaadda lagu
tukaday mas'uul ka socday hay'adda Qatar Charity wuxuuna
sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu ALLE u towbad
celiyo, si Ilaahay uu ugu naxariisto addoomadiisa.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr Cali Sheekh Axmed
Abuubakar uu isaguna hadal ka jeediyay goobta salaadda lagu
tukaday ayaa sheegay in salaadda roob-doonka ah dunida oo
dhan laga tukanayo ayna hormuud u tahay Qatar Charity,
isagoo intaas ku daray in salaaddan Alle looga baryayo inuu
roob ku shubo dhulka oo dhan.
Boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo ayaa goobta lagu soo
bandhigay, kuwaas oo erayadii ku qornaa ay ka mid ahaayeen:
"Jimcatul Raxma" oo macnaheedu yahay Jimcadii naxariista oo
loola jeeday rajada shacabkii goobtaas ku tukaday oo ahayd
in ALLE uu roob kusoo daadiyo ummadiisa ay abaaruhu
saameynta ku yeesheen.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha gobolka
Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isagoo uga
mahadceliyay haya'dda Qatar Charity fikirka cusub ee ay
keentay, kaasoo ah in Alle si wadajir ah looga tuugo
raxmaddiisa, maadaama uu dalka ka jirto abaar caam ah.
Dadweynihii salaadda roob-doonka ah tukaday ayaa waxay
iyagoo gacmaha sare u qaadaya ALLE ka baryeen inuu roob u
keeno si ummaddu ay uga baxdo abaaraha, waxaana intii ay
ducadu socotay soo da'ay roob yar, waxaana cirka ka muuqday
daruuro roobaab madow.
Hay'adda Qadar Charity ayaa waxay Soomaaliya ku leedahay
xafiis weyn oo ka shaqeeya dhinacyada: gargaarka
bani'aadamnimo, waxbarashada, caafimaadka, xanaaneynta
agoonta, dhismaha masaajidda, qodidda ceelasha biyaha,
kaalmeynta dadka danta yar iyo howlo kale oo fara badan.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
webmaster@ceegaag.com
|