Sida caadada u ah Jaaliyada
Reer Virginia oo xaflad Soodhaween ah u sameeyay
Raysalwasaaraha Soomaaliya
(Washington, Sep 18, 2011
Ceegaag Online)
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali
ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare ah oo loo soo
agaasimay oo ay Somalida Qurbojoogta ah soo qaban qaabiyeen.
Xafladan oo lagu Qabtay Virginia oo ay ka soo qeybgaleen
Somalida degan Virginia iyo Washington DC ayaa waxaa goobta
ka hadlay Qabanqaabiyeyaashii xafladda, A/Qadir Aden Adde,
Xildhibaanad Fadumo Insaniya iyo Ra'iisul Wasaaraha oo
halkaas ka jeediyey khudbad dheer.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa Qurbojoogta kala hadlay arrimo
dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka amniga, gar-gaarka
bani'aadanimo iyo siyaasadda. Ra'iisul Wasaaraha waxuu
sheegay in Al-Shabaab laga adkaaday, oo si xoog ah looga
saaray caasimadda, dowladduna ay dejisay Qorshe lagu
xasilinayo caasimadda dalka oo uu xusay in mudnaanta la
siiyey sidii goobihii ay ka baxeen loo xasilin lahaa, loogu
sameyn lahaa maamulo iyo sidii shacabka tabaaleysan loo
gaarsiin lahaa gar-gaarka. Ra'iisul Wasaaraha oo ku
dheeraaday arrimaha gar-gaarka bani'aadanimo ayaa sheegay in
heerka macluusha uu yahay kii ugu xumaa 60kii sano ee la soo
dhaafay.
Ra'iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in caalamku ay ka soo
jawaabeen baaqii dowladda Soomaaliya, ha yeeshee baaxadda
barakacayaasha ayuu ku tilmaamay inuu u baahan yahay gargaar
joogta ah iyo qorsheyaal mustaqbalka dhow iyo kuwa fog, si
looga hortago inay macluushan oo kale soo noqoto, oo uu
sheegay in loo baahanyahay in mashaariic horumarineed loo
abuuro shacabka Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in booqashadii uu
Madaxweynaha iyo isagaba ku tageen Puntland iyo tii uu RW ku
tegey Galmudug ay ahaayeen booqashooyin muhiim ah oo
xoojisay xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo
maamulada dalka ka jira. Sidoo kale RW waxuu ku tilmaamay
guul taariikhi ah kulankii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho
4 - 6 Sept oo uu sheegay in Soomaalidii isu timid ay muddo 3
cisho ah ku qabteen howlo muhiim u ah dalka, isla markaana
la isku af-gartay Roadmap la rabo in la fuliyo 12ka bilood
ee soo socda.
Daawo
Sawiradii Xaflada
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
webmaster@ceegaag.com
|