Madaxweyne Shariif Oo Waraaqihii
Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjire Falastiin U Soo Magacowday
Soomaaliya
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Dimoqraatiga ee Soomaaliya
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waraaqihiisa
aqoonsiga ka guddoomay Danjire cusub oo ay Falastiin u soo
magagacawday Soomaaliya.
Danjiraha cusub ee Soomaaliya u soo magacawday dowlada
Falastiin oo lagu Magacaabo Kaamil C/llaahi ayaa madaxweyne
Shariif maanta ka guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga, isagoo
tilmaamay in Soomaaliya iyo Falastiin uu ka dhaxeeyo xiriir
wanaagsan oo soo jireen ah haddana ay sii xoojinayaan
xiriirkaasi.
Danjiraha cusub ee Falastiin u soo magacawday dalkeenna
oo hadlay ayaa uga Mahadceliyay madaxweyne Sheekh Shariif
soo dhaweeynata iyo sida niyadsamida leh ee uu uga guddoomiy
waraaqihiisii aqoonsiga, isagoo muujiyay in uu ku
faraxsanyahay in uu safaaradda Falastiin ka furo Muqdisho.
Tan iyo markii kooxda Alqaacidda laga saaray Muqdisho
ayaa waxaa isa soo tarayay waddamada Safaaradahooda ka
furanayay Muqdisho, iyadoo xafiiska Siyaasadda Qaramada
Midoobay uu ka furanyay Muqdisho, taasina waxa ay ku timid
dadaalka farahabadan oo ay muujisay dowladda KMG ah.