Madaxweyne ku-xigeenka
maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),
oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa maanta ka qaybgalay
xaflad loo sameeyey furitaanka iyo hawlgelinta qalab loogu
talagalay in caafimaadka Kaliyaha Aadamaha wax lagaga qabto,
taasoo lagu qabtay xarunta Cisbitaalka guud ee magaalada
Hargeysa.
Cabdiraxmaan Saylici
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland oo isagu kulankaa
ka hadlay, ayaa sheegay in Mashiinka sifeeya kelyaha uu
yahay adeeg caafimaad oo baahi badan loo qabay, isla
markaana qofka Kelyuhu xanuunaan aan gudaha waxba lagaga
qaban jirin ee loo qaadi jiray dalalka dibedda sida Itoobiya,
wadamada Carabta iyo Malaysia, India, Pakistan, Germany iyo
meelo kale.
Sidoo kale waxaa
xafladaas ka Hadley Wasiirka Caafimaadka Maamulka Somaliland
Dr. Xuseen Muxumed Maxamed isagoo ka sheegay xafladaasi in
dhakhtarka guud ee magaalada Hargaysa uu yahay halka u
dambaysa ee qofka bukaan socodka ah la geeyo marka gobolada
waxba lagaga qaban waayo ayna ka hawlgalaan ugu yaraan 20
dhakhtar oo ka kala socda wadamada Finland, Russia iyo
India.
Dr. Xuseen ayaa intaas
ku daray in adeegyo cusub oo kale ay ku soo kordhiyeen
Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo ay ka mid tahay
sida uu xusay hooyooyinka ay fooshu ku raagto ee qaliinka u
baahan oo lacag la’aan ay ka dhigeen.
Si kastaba ha ahaatee,
waa markii ugu horreysay oo adeeg caafimaad oo wax lagaga
qabanayo cudurrada Kelyaha dadka asiiba laga hirgeliyo
magaalada Hargeysa.