Hay’adda MSF oo shuruuc ku
xidhay mashaariicda ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.
(Nairobi, April 16, 2012 Ceegaag Online)
Hay’addacaalamiga
ah ee caafimaadka
Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa joojiyey in mashaariic
cusub oo aan
ahayn kuwa xaaladaha
degdegga la furo ama la balaadhiyo kuwii hore uga jirey
Soomaaliya tan iyo inta si ammaan
ah looga sii deynayo labada qof ee shaqaalaheeda
ka
mid
ah ee
kala
ah, Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra, oo xerooyinka
qaxootiga ee Dhadhaab laga afduubey lix bilood
ka hor, taariikhdu markey
ahayd 13kii Oktoobar 2011, iyaga
oo afduub loogu haysto gudaha Soomaaliya.
Hay'adda MSF oo weli isku xilqaameysa caawimaadda dadka
Soomaaliyeed waxaa ay sii wadi doontaa in ay wax
ka qabato xaaladaha
degdegga
ah ee nafaha
halis geliya. Sidaas oo ay tahay
haddana, MSF si caadi
ah uma shaqeyn
karto marka
labo shaqaalaheeda
ka
mid
ah lagu haysto gudaha Soomaaliya.
Markii ugu dambeysey ee la
arkey Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut waxaa ay
ahayd mar lagu arkey gobolka
Shabeellaha
Hoose bishii December 2011. MSF si weyn ayay u
cambaareyneysaa afduubkan
waxaana ay
ka dalbaneysaa dhammaan kuwa ay khuseyso, gaar
ahaan maamullada iyo madaxda bulshada ee Soomaaliya
in ay si firfircoon uga qaybqaataan sidii si ammaan
ah loogu sii deyn lahaa
Blanca iyo Montserrat.
Qoysaskooda iyo MSF-ba waxaa ay mar
kale ku celinayaan in aaney dooneyn in iskuday hub
loo adeegsanayo lagu soo furto waxaana ay si weyn u door
bidayaan in si ammaan loo sii daayo saaxibadda aan wada
shaqeyno.
Blanca Thiebaut, oo 30 sano
jir
ah, iyo Montserrat Serra, oo 40 sano jir
ah, waxaa ay
ka shaqeynayeen xerada qaxootiga ee IFO 2 ee ku
taalla Dhadhaab (Kenya)
markii ay soo weerareen rag hubeysan 13kii Oktoobar.
Xerooyinka
qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku jira in
ka badan 460,000 oo qaxooti Soomaali
ah oo dalka
uga soo cararey gaajo iyo dagaal daraaddood.
MSF waxaa ay si joogto
ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991,
waxaana ay hadda guud
ahaan dalka
ka waddaa 13 mashruuc. Sanadkii 2011, ayaa MSF
ay kor u qaaddey hawlaheeda
si ay wax uga qabato baahida
sarreysa, iyada oo mashaariic caafimaad
ka wadda 22 goobood oo ku yaalla guud
ahaan Koonfurta iyo Bartamaha
Soomaaliya, iyada oo in
ka badan 800,000 oo bukaan
ah ay wax ugu qabatey Soomaaliya gudaheeda,
iyo iyada oo gargaar caafimaad oo nafo lagu badbaadiyo
siisey qaxootiga Soomaalida
ah ee ku jira xerooyinka
Dhadhaab ee ku yaalla Kenya iyo kuwa Doolow Addo oo
ka tirsan Itoobiya.
Yahya
Dahiye
Somalia Information Officer
Medecins Sans Frontieres
East & Central Africa Regional Information Office
Email:msf-press-somalia@msf.org/yahyas86@gmail.com
Tel: +254 20 2721071/444 4474/444 0536
Mobile: 0733665424