Ra’iisal Wasaaraha
Soomaaliya Dr. C/weli Mohamed Ali (Gaas) oo maanta kulan
la qaatay agaasimayaasha wasaaradaha Xukuumada Soomaaliya.
(Muqdisho,
April 14, 2012 Ceegaag Online)
Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la
kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG
Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud
aysan saameyn ku yeelan doonin xilliga kala guurka ah oo ay
dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u
sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay tahay in howlaha
agaasimayaasha ay sidii loogu talagalay u socon doonto
islamarkaana sheegay ineysan dhicin iney saameyn ku yeelato
isbadalka socdo ee xilliga kala guurka ah.
Waxaana ra’iisul
Wasaaraha warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha guud ee
Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo sida ay howlaha ku
socdaan, Iyagoona Ra’iisul Wasaaraha u balanqaadeen iney
waajibkooda gudan doonaan, Islamarkaana ay sii shaqeyn
doonaan inta laga soo dhisayo xukuumadd dhameystiran taa oo
looga baxayo xilliga KMG.
Kulanka kadib ayaa waxaa
saxaafadda la hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha
gudaha islamarkaana ku hadlayay Afka Agaasimayaasha Mudane
Bashiir Goobe ayaa sheegay ineysan saameyn ku yeelan doonin
shaqada adag oo ay Agaasimayaasho hayaan islamarkaana
tilmaamay iney gudan doonaan waajibaadkooda shaqo kuna
faraxsan yihiin howlaha imminka soconayo ee looga gudbayo
marxaladda kala guurka.
Agaasimaha Wasaaradda
Arrimaha gudaha kuna hadlayay Afka Agasaamiyasha guud ee
Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa tilmaamay iney
derder gelin doonaan howlaha loo idmadey oo ay xukuumadda
iyo Shacabkaba u hayaan.
Dhinaca kale Ra’iisul
Wasaaraha ayaa kulan la qaatay 11-xubnood oo ka socota
dowladda Koonfur Afrika kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo
dhowr ah madaama labada dal ay yihiin kuwa xiriir qoto dheer
oo saaxiibtinimo ka dhaxeyso islamarkaana ay ka wada
shaqeynayaan howlaha hadda socda ee mar xaladda kala guurka
ah iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Diraac Salaad
Fagaase Communication Director, office of the PM Mobile: +252-616 084650 Mogadishu, Somalia