Ra’iisal Wasaare
C/weli Gaas: Qaxara weerar fuleynimo ah ayuu
ahaa oo ay fulisay Alshabaab waana caado lagu
yaqaano argagixisada.
(Muqdisho, April 04, 2012 Ceegaag Online)
Ra'iisul
wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay qaraxii
ka dhacay Golahii Murtida iyo madadaalada ee
magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuusan
qaraxaasi ka soo gaarin isaga iyo wasiiradiisa wax
khasaare ah oo ay ka badbaadeen.
Ra’iisul wasaare
C/weli Mohamed Ali ayaa sheegay in falkaasi
qaraxa ah ay ku geeriyoodeen Aadan Xaaji
Yabarow Wiish iyo Siciid Mugaanbe oo ahaa madaxdii
isboortiga Soomaaliya, iyo 4 kale isagoo
tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Soomaaliyeed
gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii
maanta ka dhacay golaha Murtida iyo madadaallada
ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul
wasaaraha ayaa sheegay in qaraxii maanta ay
fulisay garbar goobta ku sugnayd, iyadoo xiligaasi
uu sheegay in isaga uu halkaasi khudbad ka
jeedinaayay. "Wuxuu ahaa qaraxa weerar fulaynimo
ah oo ay fulisay Al-shabaab, waana caado ay
leeyihiin markii looga adkaado dagaalka" ayuu yiri
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ra'iisul wasaaraha
Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaraha ayaa sheegay inuusan qaraxsasi
waxba u dhimayn mooralka Xukuumadda, islamarkaana
ay sii shaqayn doonaan, wuxuuna sheegay inay
dowladda KMG ah ku dadaali doonto sidii loo adkayn
lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho.