S/Guud Mohamed Ali Samatar
oo hambalyeeyay Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
(Virginia, April 11, 2012 Ceegaag Online)
S/Guud Maxamed Cali
Samatar ayaa hambalyo u diray ciidammada Xoogga dalka
Soomaaliyeed xilli maalinta barrito ah ay ku beegan tahay
sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka
Soomaaliyeed, isagoo dhan kale ku baaqay in ciidamada Xoogga
la gaadhsiiyo sidii markii hore ay ahaan jireen.
S/Guud Maxamed Cali
Samatar oo warbaahinta la hadley isaga oo ku sugan dalka
Mareykanka ayaa ugu horreyn hambalyo diiran u diray
ciidammada Xoogga dalka oo maalinta barrito ah ay ku beegsan
tahay maalintii dhidibada loo taagay April 12, 1960 isagoo
sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ahaan
jireen ciidamamda ugu horreeya Qaaradda Afrika.
S/Guud Maxamed Cali
Samatar ayaa tilmaamay in ciidammada Xoogga dalka
astaamahooda ay ka mid yihiin in ay shacabka
taageeraan, isla markaana ay Difaacaan dalka, isagoo ka
sheekeeyay taariikhda ciidammada,xusayna in markii hore lagu
aas aasay 17-sargaal kaddibna ay gaareen ciidanka Afrika ugu
xoogga badan.
S/Guud Maxamed Cali
Samatar ayaa hoosta ka xariiqay in ciidammada Xoogga dalka
ay ahaayeen ciidan hal haddaf leh, waxa uu carrabka ku
adkeeyay in hadda loo baahan yahay in lagu dadaallo sidii
loo gaarsiin lahaa sidii horre, Waxa uu farta ku fiiqay in
ciidammada dhismahooda aysan ahayn wax sahlan, laakin lagama
maarmaan ay tahay in ciidamamda Xoogga dalka ee hadda jira
in la Tayeeyo oo lagu dadaallo Tababarradooda iyo dhinac
walba oo noloshooda quseysa.
S/Guud Maxamed Cali
Samatar ayaa xusay in ciidammada Xoogga dalka Taariikhdooda
aan si kooban looga sheekeyn Karin, balse uu rajeynayo in ay
soo celiyaan sharaftii iyo astaamihii dhabta ahaa ee
ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
S/Guud Maxamed Cali
Samatar ayaa ugu dambeyntii ciidammada Xoogga dalka ku
boggaadiyay guullaha ay ka gaareen howlgallada ay dalka ka
wadaan, waxa uuna dowladda Federaalka KMG Soomaaliyeed ugu
baaqay in ay qaadato kaalinta uga aadan Tayenta ciidammada
Xoogga dalka Soomaaliyeed.