Madaxweyne
kuxigeenka Maamulka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray wajigii
labaad ee jidka 150-ka oo isku xidha degmooyinka 26 June,
Koodbuur iyo Gacan-libaax. sidoo kale Madaxweyne Ku
xigeenka ayaa dhagax dhigay waddo cusub oo laami ah oo
dhererkeedu yahay 1.8Km oo laga hirgelinayo xaafadda DAAMI ee
degmadda Gacan-libaax ee magaaladda Hargeysa.
C/raxmaan
Saylici oo ka hadlay kulankaas waxa uu yidhi “Waxa noo
farxad ah inaanu maanta dhagax dhigno waddadii u horaysay
ee dhex maraysay Xaafadan Daami taas oo dhererkeedu yahay
1.8Km, runtiina waa nagu qasab in xaafadaha, degmooyinka iyo
gobolada dib uga dhacay horumarka in la soo gaadhsiiyo
meelaha kale ee horumarka gaadhay, waana waajib in
khayraadka la baahiyo oo la gaadhsiiyo gobol kasta iyo degmo
kasta oo ka mida Somaliland, Dadweynaha xaafadan ku dhaqana
aad ayaan ugu hambalyeynayaa abaabulka ay sameeyeen.”
Dhinaca
kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud
Jiciir, ayaa xadhiga ka jaray waddo laga dhisay xaafadda
Jameecadda oo dhererkeedu yahay 1.9m taasi oo isku xidha
xaafadda Jameecadda illaa xaafada libaaxyadda. Waxaanu
maayarku u mahad celiyay dadweynaha xaafadahaasi ee ka qeyb
galay lacagtii qaadhaanka ee lagu dhisay jidkan. Waxa kale
oo uu Eng. Xuseen xadhiga ka jaray waddo kale oo laga dhisay
xaafadda Jig-jiga yare ee degmadda Koodbuur ee magaaladda
Hargeysa.