Ardey Soomaaliyeed oo ka
qalin jabisay Jaamacada Metro ee magaalada St. Paul ee
gobolka Minnesota dalka Mareykanka.
(St.
Paul, April 29, 2012 Ceegaag Online)
Munaasabad
ballaadhan oo ay kasoo qayb-galeen madax, macalamiin, arday
waaladiin iyo maamulka jaamacadda Metro State University
looguna dabaal-dagayay qalin-jibinta arday badan oo wax ka
baratay jamacadda ayaa xalay lagu qabtay magaalada St. Paul
ee gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka.
Jaamacaddan oo ay dhigtaan arday badan ayaa horay waxaa uga
qalin-jabiyay arday Soomaaliyeed, kuwaasoo wax ka bartay
kulliyadaha kala duwan ee Jamacaddu ay ka kooban tahay,
balse xalay ayay ardaydii ugu badnayd Soomaaliyeed oo
tiradoodu ahayd 30-arday ay ka qalin-jabiyeen Jaamacadda.
Xafladda
qalinjabinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka jamacadda
iyadoo ardayda qalin-jabinaysay ay ka baxeen kulliyadaha:
Human Services, Public Management, Computer Technology,
Computer Science, Human Resources, Health-care Management
iyo kuwo kale ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin isugu
jiray Bachelor Degree iyo Master Degree.
Gobolka
Minnesota oo ah deegaanka Soomaalida ugu badan ee Mareykanka
ku nool ay daggan yihiin laguna qiyaaso tiradooda illaa
40,000 ayaa waxay wax ka bartaan jaamadaha gobolka Minnesota
ku yaalla, iyadoo ardayda Soomaalida lagu tiyo ardayda ugu
dadaalka badan ee gobolkaas wax ka barta, iyadoo 40 arday ay
sannadkii hore ka qalinjabiyeen jaamacadaha gobolka.
Cabdi
Max’uud wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka qalin-jibisay
kuliyadda maareynta iskuulka wuxuuna yiri: “Waxaan ahay
aabbe caruur leh muddo dheerna kusoo jiray waxbarashadan
marnaba kamaanan niyad-jabin waxbarashada, iyadoo weliba
biil la iga rabo; taasina waxay ku tuseysaa dadaalka dheer
ee aan soo galay meesha ay caawa i keentay – sidaas si la
mid ah ayaan ku boorrin lahaa abbayaasha Soomaaliyeed ee
haysta fursadaha inay waxbartaan.”
Sidoo
kale, Xamdi Warsame oo iyaduna ka mid ahayd ardaydii xalay
qalinjabiyay ayaa waxay tiri: “Aad ayaan ugu
faraxsan-sanahay mustaqbalkaygu; waxaan rajeynayaa inaaan
wax ka-bedelo naftyda, qoyskeyga iyo dalkayga hooyo –
waxbarashaduna waxay udub dhexaad u tahay is-fahanka iyo
wadashaqeynta bulsho walba oo ku nool adduunka guudkiisa.”
Mar ay
radiomuqdisho weydisay Xamdi su’aal ahayd sida uu
dareenkeedu yahay caawa oo ay qalin-jabisay ayay ku
jawaabtay: “Dareenkeygu aad ayuu u wanaagsan yahay – mid
lasoo koobi karana ma ahan – waayo waxii aan muddo dheer
kusoo haminayay ayaan caawa ku guul-gaaray; taasina farxad
iiga weyn ma jirto.” Iyadoo intaas ku dartay inay u
mahadcelinayso dhammaan macallimiintii wax-soo-bartay iyo
intii qaybta ku lahayd waxbarashadeydeeda.
Gabagabadii munaasbadda waxaa hambalyo iyo bogaadin loo
jeediyaay ardaydii ka qalin-jibisay jaamacadda isla markana
waxaa la guddoonsiiyaye hadiyado isugu jiray ubaxyo iyo
qalab kale.
Daawo Sawiradda
Cabdiraxmaan D Nuur
Nuure1000@hotmail.com
USA
Minnesoto
webmaster@ceegaag.com |