Dagaallo la sii
qorsheeyay oo ka dhacay degaannada ku xeeran
Laascaanood iyo Buuhoodle.
(Laascaanood, April 01, 2012 Ceegaag Online)
Dagaal u dhexeeya
Ciidamada Maamulka Somaliland iyo ciidamo ka
tirsan maamulka Khaatumo ayaa saaka ka dhacay
jehooyinka kala duwan ee magaalada Laascaanood.
Dagaalkan oo socday muddo saacado ah ayaa gaystay
khasaare aan illaa hadda la ogayn muggiisa
inkastoo ay jiraan dhaawac lakeenay isbitaalka
Laascaanood oo u badan dad rayid ah.
Saraakiisha labada maamul ayaa waxay ka gaabsadeen
inay ka hadlaan dagaalada maanta ka dhacay
duleedka Laascaanood iyadoo dhinac kasta
sheeganayo guulo ay ka gaadheen dagaalka, ciidamo
Booliis iyo kuwa milatariga Somaliland ayaa la
dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Laascaanood
waxaana la arkayay kolonyo gawaadhida tiknikadda
ah oo marba dhinac u maraya gudaha magaalada
Laascaanood.
Maamulka Somaliland ayaa amray in shirkadaha
isgaadhsiinta hakad geliyaan shaqadooda wolow
masuuliyiinta shirkaduhu ka dhaga adaygeen
amaradaas, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa
kacsan iyadoo aan la saadaalinkarin wajiga uu
yeelan doono dagaal danbe oo markale ka qarxa
nawaaxiga magaalada.
Dhinaca kale
Ciidamada Soomaaliland ayaa saaka dagaal
qorshaysan ku qaaday jiidda hore ee ay fadhiyaan
ciidamada Khaatumo, Puntland iyo ciidanka degaanka
Buuhoodle. Dagaalkan ayaa la sheegayaa in khasaare
nafeed iyo mid moodkba uu ka soo gaadhay labada
garab ee dagaallamayay. Horjoogayaasha labada
garab ayaa mid waliba sheeganayaa in uu guul ka
gaadhay dagaalkii maanta, balse shabakadda Ceegaag
uma suuragalin in ay hesho khasaaraha dhabta ah ee
soo kala gaadhay labada dhinac ee saaka dagaalku
dhexmaray.