(Makkah
Saudi Arabia, April 12, 2012 Ceegaag Online)
Bismillaah,
Waxaan
jeclahay inaan halkan ku iftiimiyo qofka uu yahay
Madaxwayne,
shaqadiisu waxay tahay, waxa uu bulshadiisa u qabto, iyo
waliba habdhaqankiisa diimeed.
Hadaan ku
horreeyo Madaxwayne waa kuma, Madaxwayne waa Shakhsi bini
Aadam ah, kaas oo xukunka ku gaadhey Doorasho ama Xoog.
Shaqadiisu Maxay tahay?
Shaqada
Madaxwaynuhu waa inuu bulshadiisa u adeego, isaga oo
kaalmaysanaya Xirfadihiisa Hawleed ee kala duwan, kuwaas oo
u sahlaya in bulshada uu Madaxwaynaha u yahay
ay ku
jeclaadaan Habka Maamul wanaagga iyo Cadaaladda uu ka
Hirgaliyo Meelaha uu maamulo,Tusaale ahaan Madaxwaynuhu
Haduu Yahay Mid Caskari ah waxa uu Hawlihiisa ugu
horaysiiyaa Inuu Dhiso Ciidan Qaran waxa uuna ku dadaalaa In
uu Xukunka ku ilaashto Quwad adag oo aysan Cidina loodinkarin.
Hadiise
Madaxwaynuhu yahay Nin Aqoon leh una dhashey nin karmeed
waxa uu ku dadaalaa inuu Ogaado Baahida Bulshadiisa ka dhex
jirta, waxa uuna isku dayaa inuu ku xalliyo si cilmiyeeysan
isaga oo dhawraya Shuruucda Dalka u dajisan,waxa uu ku
dadaalaa in uu bulshadiisa u Sameeyo shaqo Abuur, Waxa uuna
kaalmaystaa Dadka Aqoonta iyo Waayo Aragnimada leh kuwaas oo
ka kaalmeeya horumarka Wadankiisa.
Hadii uu
yahay madaxwaynuhu nin diin leh waxa uu ku da'daalaainuu
raali galiyoilaaha abuurtey, waxa uu ku dadaalaa inuu dhawro
oo ilaaliya Shacaa'irta Islaamka, waxa uu horsed u yahay
Bulshada waxa uuna had iyo jeer ku dhiiri galiyaa inay
ilaashtaan diintooda.
Madaxwaynaha Dawladda Islaamku, ma'aha Mid ka dhex baxsan
bulshada, oo dhista guryo la adkeeyey oo gaara, laakiin waa
Madaxwayne Bulshada Imaam u ah la tukada Salaadaha, Shaqo
kasta oo khayriyana isagaa ugu hormara.
Hadaba
akhristoow si aadan ugu daalin qoraalka waxaan jeclahay
inaan Dhawr Su'aal
ka soo dhex saaro Qoraalka gaaban Si aad u fahanto Ujeedada
guud.
1. Maxay tahay
Sababta ka danbaysa In Madaxwayne kasta oo Soomaaliyeed uu
Dadka Cabudhiyo Isaga oo kaashanaya Aaladihiisa kala duwan,
Sida; Warbaahintiisa, Ciidamadiisa, iyo Dadka ku weegaaran?
2. Maxay tahay
sababta ka danbaysa Hadii nin Wadaad ah oo Diin lagu
yaqaaney uu ku biro Dawladda Somaliyeed In Garka laga xiiro,
Suurwaalka uu sii daysto, wadaadadii uu shalay ku dhex
jirijirayna uu u arko Inay yihiin Xagjir aan la socon Karin
wadciga?
3.
Shuruudaha u yaal Dawladda
Qaran ee Somaliyeed ee Islaamka ah,
Dastuurkeeda waxaa ku Qoran In Dalka Sharciga lagu maamulo,
Hadii aan lagu dhaqmayn Sharciga Islaamka ee ku qoran
Dastuurka Maxaa loogu qoraaa marka hore?
4.
Ciidamada Somalidu Hadii ay Qof Somali ah Danbi ku helaan
ama Farta loogu fiiqo Maxay u jidh dilaan Qofka inta aan
maxkamadda la'gayn ee la sii wado, Hadii La rabo Qof in la
xidho Suurto gal ma tahay in loo keeno Warqad ay maxkamaddu
ku dalbanayso inuu Sharciga soo hor Istaago inta aan xoog
iyo feedh lagu
keenin?
Su'aalahaas oo aan koobey
Isku day inaad jawaab ka bixisid.
Mustafa
Akhyaar
Subxanakallaahuma wabixamdika ashhadu an laa ilaah ilaa anta
astaqfiruka wa atuubu ilayka.
webmaster@ceegaag.com |