Madaxweynaha
Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed
Maxamuud (Faroole) ayaa maanta si rasmi ah xariga
uga jaray xarunta guud ee baarista danbiyada ee
C.I.D Puntland iyadoo dhisamaha iyo qalabaynta
dhisamahan ay gacan weyn ka geysatay hay’adda UNDP
Xafiiskeeda Puntland.
Munaasabadii
Xariga looga jaraayey xarunta Guud ee baarista
danbiyada culculus ee C.I.D Puntland ayaa waxaa
Madaxweyne Faroole ku wehliyey, Madaxweyne ku
xigeenkiisa Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire,
wasiiro ,saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka
socotay Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNDP
Xafiiskeeda Puntland.
Mas'uuliyiinta
ka socotay Hay'adda UNDP-da ayaa xafladii
furitaanka kadib Saddex gaadhi oo ay ku
hawlgalidoonaan laamaha C.I.D Puntland ku
wareejiyay mas'uuliyiinta C.I.D-da isla
markaana balan qaaday inay ka caawin doona
hawlahooda.
Madaxweyne
Faroole iyo Gen. C/samad ayaa hadalo kooban ka
dhagaystay cutunyo kamid ah laanta Taraafikada
heerarka iyo casharada ay qaataan kuwaas oo ku
jiray xarunta Saldhiga Booliska magaalada Garoowe.
Laamaha C.I.D
ee Puntland ayaa waxa tababar siinaya Saraakiil u
dhalatay dalka Jabuuti, waxaana cutubyadan ay ka
kala yimaadeen sida la sheegay dhamaan gobolada
Puntland iyagoo si weyn ugu xog waramay Madaxda
Dowladda Puntland..