Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh
Axmed ayaa saaka magacaabay guddiga Dowladda KMG ah
Soomaaliya uga qaybgalaya wada haddalada maamulka Somaliland
ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada London ee cariga
Ingiriiska.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo goordhaweyd ugu waramay
warbaahinta inta uusan ka duulin garoonka diyaaraddaha ee
Aadan Cadde si uu uga qaybgalo
shirka madaxda Afrika ee ka furmidoona magaalada Addis Ababa
ayaa magacaabay
guddi ka kooban 10-xubnood oo wada haddal la yeesha maamulka
Somaliland.
Guddiga uu madaxweyne Shariif magacaabay ayaa waxaa
guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
qaranka C/Samad Macallin Maxamuud guddigani ayaa waxa ay
magaalada London ee dalka Britain kulan kula yeellan doonaan
guddi uu horrey u magacaabay madaxweynaha maamulka
Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).
Dhinaca kale
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
oo shalay u waramayay idaacada BBC-da ayaa sheegay in maanta
uu magacaabi doono guddiga dowladda Federaalka uga
qaybgalidoona wada hadalada maamulka Somaliland ayaan la
ogeyn in labada mas’uul ee ugu sareysa dowladda KMG ah ay
isku waafaqsanyihiin magacaabista gidigan iyo inkale.