Madaxweynaha
Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
manta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee
Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan
Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga
Mr. Augustine Mahiga oo ah sidiisaba nin qaneecad daran
ayaa shalay u duulay caasimada 2aad Soomaaliya Hargaysa,
ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu
sarsaraysa ee maamulka Somaliland. Siiba madaxwayne
Siilaanyo.
Mr. Augustine Mahiga ayaa kulankii ugu horeeyay ee foolka
foola layeelanaya madaxda maamulkaa si uu ugu tirtin siiyo
inay ka qayb galaan oo aysan ka madax adaygin wadahadalada
ay Somaliland lagalaso dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Dhinaca kale wadahadaladan ayaa haatanku dhaw inay
burburaan ka dib markii ay qaadaceen kooxo maalin dhawayd
maamul loogu wanqalay Khaatumo ugaga dhawaaqay magaalada
Taleex ee gobolka Sool. Ka dib markii ay saluugeen kudarida
ergada wada xaajoodka ee dhinaca dawlada labo wasiir oo ka
tirsan maamul G/Puntland. Kooxdan ayaa iyagu ah kuwo dagaal
hubaysan kula jira maamulka Somaliland.