Ra段isul Wasaaraha oo
maanta soo kormeeray degmada Dayniile ee duleedka Muqdisho
(Muqdisho,
April 21, 2012 Ceegaag Online)
Ra段isul
Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa
maanta booqasho kormeer ah ku tagay jiida hore ee
dhufeesyada degmada Dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho,
halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa
AMISOM.
Waxaa Ra段isul Wasaaruhu halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Diini iyo
abaanduulaha ciidnak Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.
Dhagabadan iyo Taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM, waxaa
warbixin ka siiyay taliye ku xigeenka AMISOM isla maraana
sheegay in wakhti aan fogayn la wareegi doonaan Afgooye iyo
Ceelasha Biyaha ciidankii howshaa qaban lahaana ay hadda
diyaar ku yihiin halkaan.
Sidoo kale waxaa warbixino laga dhagaystay taliyaha Ciidanka
Qaranka Soomaaliyeed Gen. Diini isagoo xusay in ciidanku ay
ku shaqeeyaan daruufo adag isla markaana u babacdhigeen
codawga iyagoo ka saaray goobo badan haddana ay diyaar u
yihiin in ay difaacaan dalkooda iyo diintooda, waxaa kale oo
uu xusay Generalka in lasoo kordhiyo lana tayeeyo ciidanka
qaranka si ay awood ugu helaan inaay hantaan dhamaan amniga
dalka.
Warbixinadaas kadib waxaa isna goobtaas ka hadlay wasiirka
Gashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise, isagoo tibaaxay in
ciidanka Qaranku iska leeyihiin Mudnaanta koowaad dowladuna
ku dadaalayso sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo
dhamaystiran, wuxuuna mahadcelin balaaran u soo jeedshay
ciidanka AMISOM oo lagarab taagaan taageero ciidan.
Dhanka kale waxaa isna goobtaas hadal qiimo badan kajeediyey
Ra段isul wasaaraha XKMG ee Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed
Cali Gaas oo u mahadcelieyey ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM.
Ra段isul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in ay la
shaqeeyaan ciidanka dowladda islamarkaana ay kala shaqeeyaan
nabadda galyada dalka.
Ugu dambeyntii Ra段isul Wasaaraha ayaa ganacsatada ugu
baaqay iney bixiyaan canshuurta si ciidamada u hurayo
naftooda iney ilaaliyaan amaanka dalka loogu siiyo
mushaaraadka, Wuxuuna ciidamada ku dhiiri geliyay iney
gutaan wajibaadkooda ka saaray dalka iyo dadka.
Diraac Salaad
Fagaase Communication Director,
office of the PM
Mobile: +252-616 084650 Deputy of Director
Communication of OPM Abdinor Abdikadir
Mohamed(Daacad).
Mogadishu, Somalia