Safiirka Dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya André
Marcela ayaa ugu baaqay dowlada KMG Soomaaliya in ay kala
cadeyeso in qaraxi Tiyaatarka Qaranka ay ku lug leeyihiin
qaar ka mid ah Hay’adaha Dowlada iyo sidi uu ku yimid..
André Marcela oo
wariyaasha kula hadlay Muqdisho kadib marki uu kulan la
qaatay Ra’isulwasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha, ayaa
sheegay in dowladiisu ay dooneyso faah faahin dheeraad ah oo
ku saabsan qaraxii bishan bilowgeedii ka dhacay tiyaatarka
qaranka.
“Waxaan la kulmay
Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana si
buuxda u taageereynaa baaritaanada socda waxaana kuu
sheegayaa in baaritaankan uu sii socon doono,” ayuu yiri
André Marcela.
Waxa kale oo uu ka
dalbay dowlada KMG ah in wixi kasoo baxay baaritaankaasi ay
caalamka u shaaciso si dadka oo dhami wada ogaadaan, xitaa
hadii shaqsiyaad ka tirsan dowlada ku lug leeyihiin.
Dhinaca kale André
Marcela safiirka dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in
dowladiisu ay qorsheyneyso in ay mashaariic ka fuliso
koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, isaga oo soo hadal
qaaday dayactiro ay ku sameyneyso garoomada diyaaradaha ee
magaalooyinka Gaalkayo, Bosasso iyo qaar ka mid ah
saldhigyada booliska ee magaalada Muqdidho ee caasimada
Soomaaliya.