Shir Taakulyn ah
oo ka Dhacay Magaalada Edmonton ee dalka Canada.
(Edmonton, April 02, 2012 Ceegaag Online)
Waxaa magaalada
Edmonton ee dalka Canada lagu qabtay xaflad isugu
jirta warbixin, wacyigalinta samafalka, iyo
taakulayn taariikhdu markay ahayd March 31, 2012.
Waxayna ka dhacday Theater-ka weyn ee Jaamacada
NAIT (Northern Alberta Institute of Technology).
Halkaas waxaa si weeyn loogu soo dhoweyey magalada
Edmonton ee dalka Canada Dr.Cabdi Caydiid Xiirey
oo ahaa aasaasihii isbitaalkii weynaa ee magaalada
Dhoobley, Somalia. Isbitaalkaas waxaa uu
dhakhtarku aasaasay sanadkii 2006, wuxuuna si
buuxda u hana qaaday sanadkii 2009ka.
Odayaal badan oo aan halkan lagu wada magacaabi
karin iyo dumar iyo dhalinyaraba way ka soo
qaybgaleen, waxaana qudbado qaayo leh oo dhiigga
dhaqaajiyey dadkii goobtaas joogay ka soo jeediyey
Dr.Maxamud Ugaas iyo Dr. Cabdi Caydiid.
Qudbadahaasi waxay isugu jireen sawirro, filimo,
qorraallo iyo aayo badan oo quraan ah oo sheegaya
sida ay waajib u tahay in lala baxo sadaqo loola
niyoonnayo hor illahay, oo lagu gargaarayo
caafimaadka dadkaas deggen deggaankaas.
Si
kooban haddii aan warbixin uga soo gudbinno
taariikh nololeedkii Dr.Cabdi Caydiid. Wuxuu ka
mid ahaa layli saraakiishii loo diray
USSR, iyaga oo halkaas ku soo bartay cilmiga
dhakhtarnida, kana soo qalin jabiyey 1974kii.
Markuu dalka ku soo noqdayna wuxuu ku howlgalay
cilmigii dhakhtarnimadiisii, isaga oo isbitaallo
badan ka soo noqday Agaasime Guud. Wuxuu mar
labaad waxbarasho caafimaad u aaday dalka
dibaddiisa, isaga oo la soo noqonayey cilmigaas si
uu uga faa’iideyo dadkiisa. Dr. Cabdi Caydiid,
wuxuu markii ugu danbeysay jaamacadaha dibadda ku
soo bartay Qaliinka Wadnaha iyo Wareegga Dhiigga,
halkaas oo uu ku soo qaatay takhasuuskiisii ugu
danbeyey ee Medical Doctorate 1984. Wuxuuna ku soo
noqday dalka, isaga oo halkii ka sii waday in uu
ku shaqeeyo cilmigiisii.
Muddadii dalku burburay, Dr.Cabdi Caydiid wuxuu
noqday Wasiirkii Caafimaadka ee xilligii Cali
Mahdi, intaas wixii ka danbeysay, wuxuu u go’ay
danaha shacabka iyo badbaadadiisa. Wuxuuna wax ka
aasaasay hay’ado samafal ah, hase ahaatee wuxuu ku
guulaystay in uu dalka gudihiisa ka dhiso isbitaal
weyn oo loogu talagalay in uu qaado 300 oo
sariirrood oo jiif ah, wajigiisa labaad.
Dhakhatarku wuxuu go’aankaas ku qaatay in
isbitaalkaas baaxaddaas leh laga dhiso, magaalada
Dhoobleey ee ku taalla xuddudka
Kenya iyo Jubbada Hoose, isaga oo halkaas u arkay
in ay tahay meel strategy ah, dhan walba, ayna ka
jirto baahi weyn.
Waxaa ka mid ah carqaladaha ka hor yimid sidii uu
isbitaalkaasi ku hana qaadi lahaa, iyada oo ay
Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Africa iyo
IGAD-ba u arkayeen in aysan goobtaasi ahayn goob
nabadeed, sidaa daraaddeed aysan gaadhsiin Karin
deeq shisheeye. Wuxuu arrintaas kaga gudbay isaga
oo la kaashaday eebbe weyne iyo ummadda
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba.
Aakhiritaankii, isbitaalku wuxuu ka gubay
marxalado badan, oo ay ka mid ahaayeen clinic,
health center, hospital, iyo general hospital.
Wuxuuna u gudbaya darajada
Referal
Hospital,
oo macnahdeedu yahay in uu ka koobanyahay, toddoba
qaybood oo waaweyn. Qaybta Bukaan Socodka,
Qaybta Jiifka, Qaybta Tabbabarka Kalkaaliyaasha
Caafimaadka, Qaybta Quudinta (Feeding Centre),
Qaybta Qallinka, Qaybta Qaaxada (TB), Iyo Qaybta
Cudurrada Faafa. Hase ahaatee, isga oo
isbitaakani noqday kan kaliya ee addunka oo dhan
dadka lagu daweeyo bilaash, waxay shaqaalihiisu ku
shaqeeyaan iskaa wax u qabso illaa iyo hadda.
Taasna waa mid illaahay lagu mahadiyo.
Nasiib darro, isaga oo isbitaalku u gudbi lahaa
wajiyo kale, ayaa waxaa billaabmay degaalkii ka
dhacay aagga, waxaana halkaas ay ku soo gaadhay
dhammaan dhismayaashii isbitaalka iyo hantidiisii
taallayba waxyeello aad u ballaadhan.
Dr.
Cabdi Caydiid isaga oo daba socda taageeradii ay
awalba dadkiisu ku dhiseen isbitaalka ayuu mar
kale ku soo rogaal celiyey sidii dib loogu dayac
tiri lahaa, islamarkaan loo billaabi lahaa
shaqadii quruxsaneyd ee loo hayey dadkaas
deeggaanka iyo Soomali oo dhan. Waayo dadka lagu
qalo sibitaalkaas waxaa laga soo refer-gareeyaa
gobol walba oo Soomaaliyeed.
Socdaalka dhakhtarku wuxuu ku wajahnaa qaarada
North America, wuxuuna illaa iyo hadda soo maray
illaa shan magaalo oo kale.
Shirkan Edmonton waxaa ugu danbeyntii la wareegay
shaakhii magaalada Sheekh Cusman, oo dadka ku
bogaadiyey sidii ay ku taakuleyn kahaayeen
isbitaalkaas danta guud loo dhisay. Waxaana isla
goobtii lagu yaboohay lacag ka badan $50,000 muddo
ka yar hal saac. Wuxuu sheekhu u duceyey intii ka
geysatay gacanta iyo intii ku yaboohdayba, wuxuuna
halkaas ku xusuusiyey in zakada hor illahay loo
bixiyo ayna nusqaaminnin maalka, ee ay badiso,
sidaas oo kalana uu illaahay inoo sheegay in
maalkeenna inta aan sadaqada ula baxno uun in aan
wax ku leenahay.
Waxaan halkan uga baryeynaa in inta dhistay, inta
ka shaqeeysa iyo inta badan ee heeganka u ahba
kheyr badan siiyo, isbitaalkaasna uu noqdo mid aad
u hana qaada.
Waxaan dib idinka soo gudbin doonnaa warbixintii
oo ah PowerPoint, sawirro iyo filinba. Waxaadna
kala xidhiidhi kartaan wixii faahfaafin ah.
Daawo Sawiradda
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |