Soomaali Mareykanka laga
masaafuriyay oo maanta la keenay Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho,
April 16, 2012 Ceegaag Online)
Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Federaalka
ayaa sheegtay maanta in magaalada Muqdisho la keenay sagaal
qof oo Maraykanka laga soo masaafuriyay markii iyagoo aan
wadan fiiso dal ku gal ee dalka Mareykanka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/Samad Macalin
Maxamuud ayaa xaqiijiyay in 9 qof oo rag ah oo laga soo
celiyay dalka Maraykanka maanta laga soo dajiyay garoonka
diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in
safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ay dowladda u
sheegtay in dadkan ay si sharci darro ah ku galeen dalka
Maraykanka iyagoon wadan wax fiiso ah, sidaasi darteedna ay
dib ugu soo celiyeen dalkoodii Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in dadkan ay hadda gacanta
ku hayaan dowladda KMG ah. markii ay baaritaanka ay ku
wadaan ay dhamaatana ay fasaxi doonaan. Mar la weydiiyay in
dadka la qabtay ay xiriir la lee yihiin ururka Al-Shabaab
wuxuu sheegay in arrintaas aan lagu soo wargalin maxaa
yeelay ayuu yiri annaga waxa naloo sheegay in ay yihiin
Soomaali si sharci daro ku galay dalka Maraykanka.
Sagaalkan qof ayaa la sheegay in la soo madhsiiyay magaalada
Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan safaaradda Maraykanka ay
ku leedahay dalkaas ka hor inta aan la keenin magaalada
Muqdisho. Dalka Maraykanka waxaa ku nool Soomaali badan oo
badankoodu qaxootinimo ku tagay dalkaas.