R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka ganacsiga iyo
Warshadaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo kormeer shaqo
ku gaadhay Garoowe.
Wafdigaan ka socda Dowladda KMG-ka ah isalamrkaasna uu
hogaaminayo R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka ganacsiga
iyo Warshadaha mudane C/wahaab ugaas xuseen oo maanta kasoo
ambobaxay magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray Magaalada
Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.
Wafdigan oo ay kamid yihiin W/Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha
Cali Nuur Ducaale iyo W/Dowlaha Dastuurka arrimaha
Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Xasan Maxamed
Jimcaale ayaa markii ay kasoo dageen garoonka Cabdullahai
Yuusuf waxaa halkaasi si diirran ugu soa dhoweeyay
Godoomiyaha Gobolka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.
Intasai kadib ayaa waxaa wafdiga lagu so galbiyay gaadiid
farabadan oo martida loogu talagaly iyadoo muddo afar
saacadooda ah ay usoo socdeen inta u dhexeysa Magaalada
Gaalkacyo iyo Garoowe.
Wafdiga ayaa markii ay gabaldhicii maanta so gaareen
Garoowe waxaa halkaan si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweyne
ku xigeenka maamul goboleedkaa C/Samad Cali Shire iyo
wasiiro ka tirsan Punland iyado wafdiga la dajiyay hooy aad
u qurux badan oo loogu talogalay martida.