Shir
sanadeedkii ururka isbaheysiga Umada Soomaaliyeed
ee Sweden
oo ah dalad ay ku mideysan yihiin ururada iyo
Jaaliyadaha ka dhisan dalka Sweden
ayaa la soo gunaanaday maanta ka dib markii uu
mudo laba maalmood ah uu ka socday magaalada
Stockholm
ee dalka Sweden.
Shirkan oo
maalintii shalay diirada lagu saaray arimaha
gudaha ee wadanka Soomaaliya iyo sidii qurba
joogto ah gacan uga geysan lahaayeen howlaha
baaxada leh ee ka socdo gudaha wadanka Soomaaliya
gaar ahaan xiliga kala guurka ah ayaa waxaa
wasiirka wasaarada qorsheynta iyo xiriirka
caalamiga ah mudane C/laahi Goodax Barre uu
halkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo ka
tarjumeysay waxqabadka Dowladda iyo dadaalada
dowladda ka wado gobalada dalka Soomaaliya iyo
dhaqangalinta barnaamijka xiliga kala guurka ah.
Wasiirka waxaa
uu u sheegay Soomaalidii uu la hadlayay in ay talo
ku yeeshaan dastuurka, isla markaana ay dalka ku
laabtaan, si ay uga qeybqaataan sidii dalka looga
saari lahaa marxaladda kala guurka ah. “Waxaan
idin kugu imid in aan farriintaas idin soo
gaadhsiiyo oo aad 90-kaas maalmood waxa Soomaaliya
loo soo dhisayo aad wax ku yeelataan”ayuu yiri
Wasiirka oo hadalkiisa ku sii daray “In aad is-aqoonsataan
waaye maadaama aad tihiin deeq-bixiyayaasha ugu
weyn. Caalamka marka uu Soomaaliya dhaqaale siiyo
shuruud ayuu daba dhigaa, laakin idinku shuruud ma
lihiin, doorkiinana muhiim ayuu u yahay Sooamaliya”.
Waxaa kale oo
uu sheegay Wasiirka in ay Dowladda Soomaaliya wax
badan ka qabatay Dib u heshiisiinta,
Dowlad-wanaagga, Adeegyada bulshada, hayeeshee ay
weli harsan tahay howl badan u baahan in wax laga
qabto, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ee
dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay dalka ku
laabtaan.
Ugu dambeyntii
Shirka ayaa waxaa lagu sharfay in ay si wada jir
ah u soo gaba gabeeyaan Wasiirka Qorsheynta
Qaranka ee Dowlada KMG Dr. Abdullahi Goodax Barre
iyo Safiirkii hore ee Somalia u fadhinjiray
Wadanka India Ambassador Mohamed Osman Omar oo
hadalo guubaabo iyo dardaaran ah ku soo xiray Shir
Sanadeedkii 18-aad ee Dalada Isbaheysiga Umadda
Soomaaliyeed.
sawiradada xuquudooda waxaa iska raadiyaha qaranka
ee radiomuqdisho