Xildhibaan Boot Cabdulle
Magan oo ka mid ah barlamanka xukuumada KMG ee soomaaliya
ayaa eedeemo usoo jeediyay Rai''sal wasaraha Soomaaliya Dr.
C/weli Gaas isagoo sheegay in dowlada uu hogaamiyo Ra’iisul
wasaare Gaas ay ku fashilantay wax ka qabashada
xaaladaha Siyaasadeed iyo midda ammaan ee wadanka.
Xildhibaanka ayaa
tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu matalo 18-ka
gobol ee ay ka kooban tahay Soomaaliya, laakiin uu ku
shaqeeyo fakar u gaar ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan
Faroole isagoo sheegay in dastuurka iyo arimaha Roadmap-ka
uusan Gaas fikir weyn ku lahayn balse uu iibinayo fikrada
Faroolaha Puntland.
Xildhibaan Boot Cabdulle
Magan ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, Culumaa’uddiinka iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka
tashadaan aayaha Soomaaliya islamarkaana ay gacamaha is
qabsadaan oo sida uu sheegay Soomaaliya ay kusoo wajahan
yihiin dhibaatooyin kala duwan.
Muddooyinkii dambe ayaa
qeybaha kala duwan ee bulshada waxa ay muujinayeen
cabashooyin xooggan ee ku saabsan jiritaanka Ra’iisul
wasaare Gaas oo ay ku eedeeyeen in uu wado arrimo aan dan u
aheyn shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale Ma jiraan wax
warar ah ama jawaabo ah oo ka soo baxay dhinaca ra’isul
wasaare C/weli Gaas.