R/wasaaraha
Soomaaliya oo booqday xarunta safaarada
Soomaaliya iyo guriga safiirka ee Biljamka lana
hadlay Jaaliyadaha
(Brussels, Belgium Feb 21, 2012
Ceegaag Online)
R/wasaaraha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya
Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wadi uu
hogaaminayo oo booqasho ku joogo Xarunta Dalka
Biljam ee Brussels, ka dib uu casuumaad rasmi ah
ka helay Madaxda Midowga yurub iyo dowladda
Biljamka.
R/wasaare Cabdiweli ayaa booqday Xarunta Safaarada
Soomaaliya ee Brussels oo uu ka muuqday burbur,
iyo dhibaatooyin kale, iyada oo qeybo ka mid ah
safaarada ay dad ajaanib ah degan yihiin maadaama
aysan horay u jirin safaarada Soomaaliyeed oo la
aqoonsan yahay taasina waxa ay keentay in si
sharci daro ah loo isticmaalo xarunta safaarada,
inkastoo iminka ay howlwadeenada safaarada ay
xaruntan ku shaqeynayaan mudo laba bilood halkii
hore ay u deganaayeen xafiisyo kiro ah.
R/wasaaraha ayaa indha indheeyey qeybaha iyo
xafiisyada safaarada isaga oo warbixin ka
dhageystay Safiirka Soomaaliya ee Midowaga Yurub
Ambasadoor Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde), waxa
uuna safiirka ka xogwaramay xaalada safaarada,
shaqaalaha joogo, halkii loo galay in xarunta
rasmiga ah ee safaarada ay dib ugu shaqeyso iyo
caqabadaha hortaagan in guud ahaan la dayactiro
lagana saaro dadka ajaanibta ah safaarada
Soomaaliya.
Sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdi Weli
Maxamed Cali Gaas, waxa uu booqday guriga safiirka
Soomaaliya oo isagana ay dagan yihiin dad u
dhashay dalkan Biljam kuwaas oo tan horaantii
sagaashameeyadii iska deganaa kuna ilmo dhalay,
waxaana hoyga safiirka ka muuqday burbur iyo
dayactir la’aan, waxaa gudaha guriga ka buuxay
gaadiid aad u fara badan kuwaas oo naloo sheegay
in ninka gurigan heysto uu ka baayac mushtaro
iibinta gaadiidka.
Guriga oo ku fadhiyo dhul aad u balaaran ayaa
Ambasadoor Nuur Cadde waxa uu sheegay in dacwooyin
kala duwan laga furay sidii gurigan gacanta
Soomaaliya loogu soo celin lahaa, iminkana ay
rajadu fiican tahay.
Dhinaca kale R/wasaare Cabdi weli Maxamed Cali
Gaas waxa uu maanta la kulmay jaaliyada
Soomaaliyeed ee dalka Biljamka kuwaas oo isugu
soo aruuray hool weyn, iyaga oo aad u daneynayey
in ay la kulmaan R/wasaaraha, una dhageystaan
khudbada uu ugu talo galay.
R/wasaare Cabdi weli Maxamed Cali oo halkaasi
khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka qeybgalayasha
kulanka kaga xogwaramay xaalada Dalka Soomaaliya,
gaar ahaan dhinaca nabadgalyada iyo horumarka,
shirkii Garoowe iyo rajada shirka London ka dhici
doono, iyada oo khudbadaasi ka ´dib R/wasaaha la
weydiieyy su’aalo dhowr ah oo la xiriiray xaalada
Soomaaliya, waxa uuna R/wasaaraha mar waliba
muujinayey in doorka qurba joogta ee ku aadan dib
dhiska Dalka Soomaaliya ay muhiim tahay, waxa uuna
si gaar ah Soomaalida Biljam uga codsaday in ay
dayactiraan isla markaana qalabeeyaan xarunta
Safaarada Soomaaliya maadaama iminka lagu
guuleystay in Safaaradeenu ay ku shaqeyso
xarunteedii rasmiga aheyd.
Ambasadoor Nuur Cadde oo isna goobta kulanka ka
hadlay ayaa reer Biljam ku amaanay sida ay
diyaarka ugu yihiin in ay qarankooda u shaqeeyaan,
waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan
tahay in gudiyo isku dhaf ah oo ka socdo
jaaliyadaha biljam in ay safaarada kala shaqeeyaan
sidii loo safaarada loo dayactiri lahaa.
Xigasho: radiomuqdisho.net
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |