Safiirka dalka Somaaliya
u fadhiya magaalada Geneva, ahana wakiilka joogtada ah ee
qaramada midoobay Mr. Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari)
oo maanta booqdey xarunta
hay’adda SCERDO ee magaalada Edmonton ee dalka Canada.
(Edmonton, Feb 22, 2012 Ceegaag Online)
Yuusuf
Maxamed Ismaaciil (Baribari) oo ah Safiirka Soomaaliya u
fadhiya dalka Switzerland ayaa maanta kulan kula qaatay
xafiiska hay’adda SCERDO ee magaalada Edmonton ee dalka
Canada. Safiirka ayaa ugu horrayntii la kulmay dhallinyaro
Soomaaliyeed oo tababr xagga shaqada iyo hogaaminta toosan
lagu barto uga socdo xarunta SCERDO, isagoo Safiirku u
jeediyay dhallinyaradaas khudbad dheer oo ka hadlaysa
qiimaha uu leeyahay maamul wanaaga, caddaaladda,wadajirka
iuo isutanaasulku.
Safiirka ayaa ku adkeeyay dhallinyarada
in ay ka faaiidaystaan fursaddan ay haystaan ee waxbarasho,
shaqo, caafimaad iyo nabadgalyo isla markaana ay kula
noolaadaan dadka ay u yimaaddeen nabadgalyo dhawraanna
shuruucda iyo xeerarka u degsan dalka ay u soo haajireen
(Canada).
Dhinaca kale, Yuusuf Baribari ayaa isla maanta kula shiray
qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada
Edmonton, isagoo uga warramay xaaladda guud ee Dalka
Soomaaliya gaar ahaan wakhtigan kala-guurka ah ee uu galay
dalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa si cilmiyaysan ugu sharraxay odayaashii iyo
waxgaradkii shirkaas fadhiyay sida loogu baahanyahay in loo
samatabixiyo dalka Soomaaliya isla markaana iftiimiyay in
Shirka lagu qabanayo dalka Ingiriiska uu yahay mid xal kama
danbays ah loogu raadinayo dhibaatada dawlad la’aaneed ee
dalka Soomaaliya ka jirtya 20kii sano ee la soo dhaafay.
Shirkaas ayaa iyana dhinacooda waxaa talooyin wax ku ool ah
ka soo jeediyay waxgaradkii goobta fadhiyay iyagoo
mahadcelin ballaadhan us oo jeediyay Safiirka kuna ammaanay
waxqabadkii iyo dadaalkii dheeraadka ahaa ee Safiirku
muujiyay tan iyo intii uu hayay jagada Safiirnimo ee dalkaas
Switzarland. Ugu danbayntii Guddoomiyaha Hay’adda SCERDO
Bashir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa shirkaas soo xidhay una
mahadceliyay Safiirka iyo martisharaftii kale ee shirkaas ka
soo qaybgalay.