Xaflad si heer sare ah loo
soo agaasimay oo lagu xusayay maamul goboleedka
Khaatumo ayaa ka dhacay gobolka Alberta ee dalka
Canada.
(Edmonton, Alberta. Canada. Feb 04, 2012 Ceegaag Online)
Waxaa xalay ka dhacay magaalada Edmonton ee
gobolka Alberta Xafalad sii fiican loo soo
abaabulay oo loogu dabaaldegayay maamulka cusub
ee Khaatumo State of Somalia.
Xafladdaas oo ay ka soo qayb
galeen dad kor u dhaafay illaa 700 qof oo ka kala
socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan
gobolkan Alberta, wasiirrro ka socda DFKM,
maamulka Awdal State,
Salaaddiin, cuqaal,
aqoonyahanno, madaxda urururada bulshada ee
Alberta, culumaaudiin , dhallinyaro iyo Hooyooyin
dadkan ayaa ka kala yimi dhammaan magaalooyinka ay
ka koobantahay gobolka Alberta. Xafladdan oo ay
soo abaabuleen jahliyadda Khaatumo ayaa ahayd
xafladdii ugu dadka badnayd ee abid ka dhacday
megaalada Edmonton. Xafladdan oo uu si qurux badan
u daadihinayay Cawil Tarabbi ayaa dadkii ka hadlay
dhammaantood waxay soo dhaweeyeen maamul
goboleedka Khaatumo isla markaana waxay si adag
uga hadleen muqaddasnimada midnimada iyo wadajirka
ummadda Soomaaliyeed. Ugu horrayn waxaa aayadaha
quraanka ku furay Axmed Cabdi Muuse oo ayaad ka
turjumaysa faaiidooyinka wadajirku leeyihiin u soo
jeediyay dadwaynihii xafladda ka soo qaybgalay.
Waxaa sidoo kale khudbad
kooban oo soo dhawayn ah ka akhriyay Caaqil
Cismaan Gaabay oo u mahadcelyay dadwaynihii ka soo
qaybgalay xafladda. Waxaa warbixin dheer oo ku
saabasan geeddi socodkii uu soo maray asaaskii
maamulka Khaatumo akhriyay Ciise Xaaji Ismaaciil
oo ku dheeraaday ujeeddadii loo abuuray maamulkan
oo ah in aan marnaba lakala goyn dalka Soomaaliya
isla markaana dadwaynaha ku dhaqan gobolladaasi ay
aayahooda ka tashadaan . Waxaa kaloo iyana qudbad
qiimo leh ka soo jeedisay Fowsiya Xirsi Biyoole oo
ku dheeraatay sida loogu baahnaa in la sa,meeyo
maamulkan wakhti hore si looga gudbo ayay tidhi
dibudhaca siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed
ee 21 sano ee la soo dhaafay haystay gobollada SSC.
Wasiir ku xigeenka Arimaha Amniga ee DFKS C/Xakiim,
guddoomiyaha Jahliyadda Awdal State Maxamed, Professor Cali
Cabdi Axmed iyo Professsor Maxamed
Jimcaale ayaa iyana si wayn uga hadlay sida ay ugu
faraxsanyihiin maamulka Khaatumo isla markaana ay
Khaatumo horseedi karto ayay yidhaahdeen in sida
ugu dhakhsaha badan ay u soo dhawaato soo
afjarideeda dawlada
l’aanta ka jirtay Soomaaliya 21 sano ee ugu
danbaysay.
Siadoo kale waxaa isna
xafladda hadal qiimo leh ka soo jeediyay Garaad
Mahdi Cali-ayaan Cabdi (Dheriyo), isagoo faallo
dheer ka bixiyay taarikhda dadka ku nool gobollada
SSC. Garaadka ayaa qudbaddiisii ku qeexay sida ay
u kala duwanyihiin qabiilka iyo qabyaaladdu isagoo
xusay in qabiillada Soomaalidu waligood ahaayeen
dad is dhinac ama garab dega islamarkaana aan
qabiilla qabiilka kale ku soo xadgudbin xeerkiisa, maamulkiisa iyo dhulkiisa toona. “khaatumo
waxaan u taagerayaa waxaan qabaa in dadka ku nool
gobollada SSC ay mudanyihiin la taageero sababtoo
ah waxay buddhig u yihiin midnimada ummadda
Soomaaliyeed, waxaanan qabaa in aanay maamulka
Khaatumo cidna dhib u soo kordhinayn dheef
mooyaane” ayuu hadalkii sii ku soo gabagabeeyay
Garaad Mahdi.
Jamaal X. Cali, Xasan Cali
iyo Maxamed Axmed Xirsi (Cawil) oo ku hadlayay
magaca ururada Soomaalida ee Edmonton ayaa iyana
halkaas qudbado kookooban oo ka turjumayay
midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ka
soo jeediyay. Caynaanshe C/Raxmaan ayaa oo ku
hadlayay magaca jahliyadda Calgary ayaa isna
khudbad kooban oo taabanaysa xaaladda ka taagan
gobollada SSC iyo sida ay lagama maarmaanka u
tahay in la adkeeyo midnimada dalka Soomalia.
Madaxdhaqameedada iyo odayaasha ay ka midka yihiin
Suldaan Subeer iyo Khuyuukhda magaalda Edmonton
sheikh Cismaan iyo sheikh faarax , Cabdillaahi
Ducaale, Eng. Xuseen,
Muxiyaddiin
Diiriye
Nuur, ayaa iyaa isna khudbado xambaarsan duco iyo
waanin u soo jeediyay dadwaynihii halkaas isugu
yimi.
Farshaxanka caanka ah ee
Soomaaliyeed Ammiin Caamir ayaa xafladdaas lagu
guddoonsiiyay shahaado sharaf ay u soo diyaariyeen
jahliyadda Khaatumo ee Edmonton. Amiin Caamir ayaa
khudbad gaaban iyo mahadcelin u soo jeediyay reer
Khaatumo isla markaana ballan qaaday in uu sii
wadi doono halganka “qalin ku dirirka “ ah ee uu
ku hayo cadowga ummadda Soomaaliyeed. Xafladdaas
ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee
hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo kuwa qoobka
ciyaarka casriga ah. Ugu danbayn xafladdaas ayaa
ku soo dhammaatay jawi aad u fiican iyadoo
dadwaynihii ka soo qaybgalay ay ka muuqatay
wajiyadooda farxad iyo hilowshiinyo aan indhawayd
lagu arag faagaaraha ay dadku ku kulmaan.
Daawo Sawiradii
Xaflada iyada oo cajalad ahna ha u daymo la'aan
Ceegaag.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |