BAAQA ISLAAX EE
KU AADAN SHIRKA LONDON EE ARRIMAHA SOOMAALIYA
(Muqdisho, Feb 22, 2012 Ceegaag Online)
Xarakada Islaax waa urur Islaami ah, kana shaqeeya
adeegga bulshada iyo horumarinteeda. Ururka Islaax
wuxuu kaalin fir-fircoon ka qaataa
dibu-heshiisiinta Soomaalida iyo soo celinta
dowladnimadda Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday
1991.
Dhibaatada Soomaaliya way raagtay, waxayna wada
saamaysay dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaanba. Sidaasi daraadeed, dadaal
kasta oo laga geysto dibuheshiisiinta Soomaalida
iyo dibudhiskeeda waa talaabo loo qaaday dhanka
toosan.
Haddaba, Ururka Islaax isaga oo ka duulaya
illaalinta dowladnimadda Soomaaliyeed wuxuu
caddaynayaa qodobadan hoos ku qoran:-
1)
Waxaan soo dhowaynaynaa shirka London ee arrimaha
Soomaaliya lagu furdaaminayo.
2)
Waxaan shirka ka rajaynaynaa inuu noqdo mid gacan
ka gaysta dibudhiska hay`addo dowladeed oo karti u
leh gudashada xilkooda Qaran, sida soo celinta
nabadda, faafinta adeegga guud ee bulshada iyo
dibudhiska dalka.
3)
Waxaan adkaynaynaa in Qaranimadda Soomaaliyeed ay
tahay lama taabtaan, midnimaduna tahay muqadas.
4)
Wadamadda Carabta iyo kuwa Islaamka ee shirkan ka
qayb gelaya waxaa saaran masuuliyad taariikheed oo
ku aadan inay kaallin firfircoon oo wax ku ool ah
ka qaataan dadaalka caalamiga ah ee ku aadan
dibudhiska Soomaaliya.
5)
Beesha Caalamka waxaan uga mahad celinaynaa dowrka
ay ka qaateed taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee
abaaraha ku waxyeeloobay.
6)
Waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed inay u
midoobaan danahooda iyo dibudhiska dalkooda, kana
faa`iidaystaan taageerada caalamka.
Ugu danbayn waxaan Illaahay ka baryaynaa inuu
umadda Soomaaliyeed ka dulqaado dhibaatadan daba
dheeraatay.