Bandhig buugeed
iyo Dhaqameed lagu qataby Malmo- Sweden
(Malmo, Sweden, Feb 06, 2012 Ceegaag Online)
Waxaa magaalada Maalmo lagu
soo bandhigay bandhig buugeed iyo dhaqameed ay
iska kaashadeen shirka Scansom Publishers iyo
Uruurka Hidde iyo Dhaqan. Bandhiga waxaa
martigaliyey oo lagu dhigay xarunta ururka Hidde
iyo Dhaqan oo ka mid ururrada ugu firircoon oo ka
shaqeeya daryeelka iyo kaydinta hiddaha Dhaqanka
Soomaaliyeed. Waa ururkii ugu horreeyey ee ku
guulaystay booqashada boqorka dalka Sweden.
Boqorka dalka iyo wafdi ballaaran oo uu
hoggaaminayo ayaa soo booqday xarunta ururka
bishii Febraayo, sannadkii 2011. Shirkadda
Scansom waxay madasha ku soo bandhigtay kutub
badan oo lagu qiyaasay in ka badan 160 muunadood
oo kala duwan. Buugta goobta lagu soo bandhigay
waxaa ka mid ahaa.
-
Buugta carruurta
-
Buugta suugaanta
-
Buuga ganacsiga
-
Buugta ka hadlaya arrimaha bulshada
-
Kutubta Diiniga iyo
-
Qaar kale
Munaasabadu waxay ahayd Carwo
buugeeddii afkeenna hooyo ee ugu horreeyey oo lagu
dhigo magalada Maalmo. Munaasabada kulanka waxaa
loo soo cammiray si wanaagsan. Waxaa ka soo qayb
galay qalabka warbaahinta iyo wargeysyada ka soo
baxa magaalada Maalmo. Bandhigga waxaa xariga ka
jaray masuul ka tirsan gobolka iyo degmada oo
qaabilsan arrimaha dhaqanka. Daniel oo ah
madaxada gobolka ayaa si weyn u soo dhaweeyey
tallaabadan wuxuuna ku tilmaamay inay tahay
tallaabo wax- ku-oo ah oo isu soo dhaweynaysa
labada mujtamac ee dalka ku wada nool. Waa
tallaabo ka hortagaysa cunsuriyada iyo midab
faquuqa dadka.
Bernaamajyada qiimaha badnaa
ee madasha lagu soo bandhigay waxaa ugu hilin
cuslaa ciyaaro dhaqameed kala duwan ay soo
diyaariyeen kooxda carrurta ah ee ururka Hidde
iyo Dhaqan. Waa koox caarrur ah oo si
wanaagsan loogu tababaray ciyaaraha Soomaaliyeed.
Kooxdu waxaysoo bandhigeen ciyaaro kala duwan oo
ay ka mid ahaayeen Dhaantada iyo Batarka (Kala
socda shabakadda( you tube hiddeiyodhaqan.se).
Sidoo kale waxay soo bandhigeen bilicda iyo qurxda
dharka ay gabdhaha Soomaalidu xidhaan oo ay
dhaqanka u leeyihiin. Bandhiggii kooxdu waxay
hanteen maanka iyo miyirka dhammaan dadkii goobta
wada joogay. Marka ay kooxdii bandhiggii
dhammeeyeen waxaa lagu bogaadiyey sacab, or, jiib
iyo jaanta oo si waanaagsan isu qabsatay.
Mashxaraddu waxay wada saaqday dhammaan
dadweynihii fagaraha joogay. Waxaa si gaar ugu
riwaayaqay madaxdii Iswiidhiska ahaa ee
bernaamajka ka qaybqaatay. Qoraaga Maxamad Sh.
Xasan ayaa markaas carruurtii abaalgud
guddoonsiiyey buug kala duwan oo ay shirkadda
Scansom daabcday. Wacdarihii goobta ka dhacay
waxaa maanta Febraayo 5ta, 2012 lagu soo daabacay
labada wargeys oo ka soo baxa magaalada iyo
Gobolka Malmo oo la kala yiraahdo :
-
Syd Svenskan iyo
-
Skanska Dagbladet
Shirkadda
Scansom iyo Ururka Hidde iyo Dhaqan waxay
dadkii ku bogaadiyeen in bernaamajka la joogteeyo
oo uu ahaado mid sannadkiiba la dhigo hal mar.
Sidoo kale waxaa goobta laga akhriyey suugaan
badan oo isugu jira Gabayo, sheeko carruureed iyo
maahmaaho si gaar ahaaneed loogu maamuusay sannad
guuradii 40aad kaddib markii la qoray oo la
hirgaliyey afkeenna hooyo ( 1972). Hambalyo iyo
bogaadin arrintaas ku saabsan ayaa si xamaasadi ku
jirto looga faallooday. Qoraaga Maxamad Sh. Xasan
ayaa markaas ka warbixiyey tirakoobka dalagga
buugeed ee inoo soo go’ay 20kii sano ee ugu
dambeeyey kuwaaso lagu qiyaasay 300-350 muunadood
oo kala duwan. Gebagebadii iyo gunaanadkii ayaa
waxaa bandhigga soo xiray guddoomiyaha ururka
Warsame Yaasiin CIsmaan, wuxuuna u mahadceliyey
dhammaan shaqaalaha ururuka iyo jaalliyada
Soomaaliyeed ee reer Maalmo oo bernaamajka qayb
libaax ka qaatay. Wixii faahfaahin la xiriir
ururka: Hiddeiyodhaqan.se iyo shirkadda
scansom.com. Dadweynihii reer Maalmo waxay ku
seexdeen farxad, raynrayn iyo riyaaq!
Daawo Sawirada
Qoraaga Maxamad Sh Xasan
Malmo, Sweden, 2012 02
05 ( 5th, Feb. 2012)
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |