Barnaamijkii
falaanqaynta jimcaha ee BBCda ee asbuucaan
(3.02.12) oo Soomaalida u siyaadiyey
qalbijab!Wasiirku miyuusan wax ishaarin markuu
isticmaalay kalmadaha(dhibka wixii keenay – Root
Causes of the Problems)?
(London, Feb 04, 2012 Ceegaag Online)
-
Marnaba
lagama dhawaajin UK inay tahay mid ka mida
sadexdii dal ee reer Yurub ee iilka dhigay, ayna
tahay waajibkooda inay sidaas waajib ugu tahay
inay dib ugu soo laabtaan goobta iyagoo markaan
u socda oo kaliya inay xalliyaan sharkay ula
kaca u falkiyeen, xalkuna yahay inay dib u
mideeyaan shantii Soomaaliyeed qaab federaala oo
leh madaxtooyo iyo ra'iisul wasaare wareegaysta
iyo caasumad cusub oo la soo dhigo bartamaha
dalka sida gobolka Mudug;
Ingiriisna
hadee waaba eelka kii dhigaye ha xalliyo dhibka
hana bixiyo magdhaw isagoo la kaashanaya
walaalihiisii uu watey markuu eelka dhigayey
marbana qaybta siinaayey (wa Fraans iyo
Talyaaniye) amaba wax la boobaayey, mana gumeysan
Waqooyi galbeed Soomaaliya oo quree ha illaawin
inuu guymeystey Koofur Galbeed soomaaliya oo loo
yaqaan Waqooyi Bari Keenya, NFD ama Gaarisa, uuna
walina ku haysto qanjaafulaha iyo cidiyaha Kenya!
Nin afgaaban
laga dhaafi dhaxalka hooyadiis ayaa lagu
maahmaahaa. Soomaalidu intay ka aamusan tahay
dhibka jira, wuxuu ka soo ankumay, cidda ka
masuulkaa iyo xalkiisa dhure u dhici maayo mana
jirto cid u maqan iyo ceel u qodan toonna.
Ingiriisku
amaba Willian Hague isaga qudadiisa ayaa ka
dhawaajey xalku inuu yahay in meesha laga saaro
waxa ay ka soo askumayaan dhibaatooyinka Geeska
Afrika! Miyuusan ahayn nin weyn oo ishaaro
bixiyey? Soomaalidu miyeysan ku sifoobeyn oraahda
”haddii gacant afka loo galiyo qofkaasi ma
calashan karo bal inuu isagu shaqaysto daayoo”.
Wasiirka UK
haduu leeyahay halla xalliyo dhibka wixi keenay
meesha hallaga saaro, isuguna yeeray dunidii ku
wada lug yeelatay jariimada, waxna ka badali
lahayd khalad keeda, maxay Soomaalidu isu
dhamaageysaa oo eysan uga faa’iideysi dooneyn?
War taladi
ba’dayoow sow talo kuuma dhalato? Soomaalidu
arkimeyso xorriyado yaryara oo tafaariiqa oo uu
reer waliba dhinac ula jeedsado. Jumlad kaliya ay
ku xoroobi karaane hallaga dalbo dunida shiraysa
in dib loo mideeo Soomaalida markaas ka dibna la
sameeyo suuq u dhexeeya dalka cusub ee Soomaalida
federaalka ah iyo dalalka dariska la ah.
Inta laga
aamusan yahay isburinta labada xeer ku sheeg ee
UNka iyo OAUda, lana dooneyn xorriyadda Soomaalida
oo dhan iyo midnimadeeda, waxa kale oo dhan waxba
tari maayaan, nabadina kama soo socoto gobolkaas
iyo nolo karaama leh midnaba sida la qiyaasi karo,
waxaaba sii soconaya dulmigii keenay dhibka jira
sida uu hisba ka hadlay wasiirka Ingiriisku.
Qore:
Cabduraxmaan Xuseen Maxamed, Amiirdaldoon,
Denmark, 04.02.2012
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |