Beelaha
Dhexe ee Somaliland oo ku mashquulsan siday
go'aan mideysan ula tagi lahaayeen shirka London
iyo Jaaliyadaha Khatumo State iyo Awdal State oo
ku mashquulsan xaflado
Waxaa nasiibdaro kowaad ah: In shacab weynaha
Maamuladda Khaatumo State iyo Awdal State iyo
Beesha warsangali ay ku mashquulsan yihiin
xafladdo kuna bixinayaan lacago aad iyo aad u fara
badan, halka siyaasiyiinta beelaha Dhexe ee
Somaliland ay ku mashquulsan yihiin sidey mowqif
mideysan ula tagi lahaayeen shirka London, iyagoo
beesha caalamka waydiisanaya aqoonsi, ila markaana
sheeganaya inay wakiil ka yihiin degaanadda Awdal,
Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxaa nasiibdaro labaad ah: Inaan Masuuliyiinta
Awdal State iyo Khaatumo State aan midkoodna lagu
casumin shirka London, halka Somaliland lagu
casumay lana siin doono maqaan sare, oo ka sareeya
maamuladda kale ee Soomaaliya ka jira sida
Puntland, Galmudug iyo Ahlu-suna wajamaaca.
Waxaa nasiib daro sadexaad ah: In Jaaliyadda
Beesha dhexe ee soomaliland ay u diyaar garoobeen
inay Guriga Baarlamaanka Ingiriiska hortiisa ka
sameeyaan banaanbax balaadhan oo ku beegan
maalinta shirka dhacayo, waxay soomaalidii kale
iska hortaageen inay dowladda Hoose ee Ingiriiska
ka helaan rukhsad ama ogolaansho maalmaha 22-23-24
Feb. 2012, taasoo cid walba iska hortaagtay inay
hesho ogolaansho ay ku sameeyaan banaanbaxyo ay
ku cabiraan mowqifkooda maalmaha shirku socdo.
Waxaa nasiib daro afraad ah: In beelaha dhexe ee
soomaaliland gar iyo gardaraba u diyaar garoobeen
cadaawad iyo isir dirir iyo duulaan joogta ah,
halka wali shacabka Reer Khaatumo iyo Awdal State
iyo Beesha Warsangali ay kala daadsan yihiin, isla
markaana aysan lahayn mowqif mideysan.
Ugu dambeyn waxaan ku soo gaabinayaa qoraalkayga
xikmadii ama murtidii Garaad Jaamac Garaad Cali ee
ahaa 'Dab aadan shidan kuma dhaxan tiro'.
Mohamed Jama
madaxgaal@hotmail.com