Dawlada
Ingiriiska oo olole diblamaasiyadeed ugu jirta
sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland
Warar naga soo gaadhaya
xafiiska arimaha dibada ee wadanka Ingiriiska ayaa
sheegaya inuu dardar iyo sidii luugu talo galay ku
socdo shirka hoosaasinta ah ee Soomaalida loogu
qabanayo magaalada London.
Mar wax laga waydiiyay ninka
isagu masuulka uga ah dawlada Ingiriiska arimaha
qaarada Afrika Mr. Henry Bellingham
ayuu si aan gabosho lahay u sheegay in uu
doonayo in Ingiriisku siiyo Somaliland fursad ay
danahooda “Gooni Isutaagooda” ugu gudbistaan
awooda ka hadhay awoodihii ku herdami jiray ku
amar tukaalaynta calaamka 60 kii sano ee tagay waa
dawlada USA.
Dhagayso
Hadalkiisa
Dawlada Maraykanka ayaa iyadu
ku adkaysanasa in Soomaaliya loo daayo sideeda oo
aan lakala goyn sababta oo ah wax dana oo ay ka
helayaan inaysan jirin kala goynta Soomaaliya.
Dawlada Maraykankuna waxay iyadu uga
hadashaa maamul goboleedada sidatan
“Administrations in the northwest (Somaliland) and
northeast (Puntland) areas of the country do not
recognize the results of the Djibouti
Conference”(State Department) Xafiiska arimaha
dibada ee Maraykanka.
Dhinaca kale dawlda federalka
Soomaaliya ayaa aysan cadayn mowqifkeeda ku aadan
dabinka ay dawlda Ingiriisku la damac santahay
dawladnimada Soomaaliya. Hadaba Su'aasha meesha ku
jirtaa waxa weeye Maraykanka oo ay haatan
Siyaasadiisa Arimaha dibada ay hor kacaso Hilary
Clinton oo ah Haweenay aad u khibrad badan oo ah
ruug cadaa kusoo daashay arimaha caalamka ma ka
ogolaandoontaa doonitaanka Saxiibkeeda 1aad ee
dunidu ku doonayo gooni isutaaga maamulka
Somaliand?