Faahfaahin
dheeraad ah dagaalkii saaka ka dhacay degaanka u
dhexeeya Qorulugud iyo Maygaagale ee Gumarta.
(Buuhoodle, Feb 08, 2012 Ceegaag Online)
Abbaarihii
5 subaxnimo ee saaka waabarigii ayaa ciidanka
degaanka Buuhoodle weerar qorshaysan ku qaadeen
fadhiisimaha ay ku sugnaayeen ciidamada
Soomaaliland oo ku sugnaa inta u dhaxaysa
Qorulugud iyo Maygaagale. Khasaarha ka dhashay
dagaalkaas dhacay aroortii hore ayaa warar
xogogaal ahi sheegayaan in khasaare farabadan oo
naf iyo moodba leh uu ka soo gaadhay ciidanka
Soomaaliland. Dagaalkaas ayaa wararku sheegayaan
in ciidanka Soomaaliland looga dilay tiro
gaadhaysa illaa 20 qof oo uu ka mid yahay sarkaal
sare oo haystay urur ku gaashaaman hubka culus oo
la’aranjiray Xuseen Cabdulaahi Qodax. Dhaawaca
ayaa isna lagu sheegay in uu gaadhayo illaa 19 qof
halka maxbuus ahaan looga qabtay 5 . Dhinaca kale,
waxaa ciidanka Soomaaliland laga gubay 2 gaadhi oo
kuwa hubka qaada ah 3 kalana iyaga oo badqaba ayaa
la keenay magaalada Buuhoodle.
Ciidanka
Buuhoodle ayaa dagaalka gelinkii hore ku
gacansarreeyay iyagoo gabiahaanba ka sifeeyay
ciidanka Soomaaliland dhulkii ay horay ugu soo
durkeen tan iyo markii ciidanka Soomaaliland ay ku
soo duuleen magaalda Buuhoodle sanadka
horraantiisii.
Abbara 12
duhurnimo ayaa ciidanka Soomaaliland iyana soo
qaadeen dagaal rogaal-celis ah iyagoo ku hubaysnaa
baabuurta gaashaaman iyo ciidan aad u tiro badan
oo ay weheliyeen ciidamo beeleedyo gurmad ah oo
kakala yimi degaannada ku xeeran jiiddaas dagaalku
ka socdo. Dagaalkan danbe ayaa waxaa khasaare
dhimaso iyo dhaawc ka soo gaadhay ciidanka
degaanka Buuhoodle iyadoo tirada dhimashadu
gaadhayso illaa 12 qof dhaawucuna lagu sheegay 20
qof halka maxaabiis ahaanna looga qabsaday 12 qof
oo la sheegay in mid ka mid ah maxaabiistaasi uu
markii danbe dhaawac u dhintay.
Wararku
waxay intaas ku darayaan in ciidanka Soomaaliland
uu horay u soo ruqaansaday haddana ku suganyahay
magaalada Sooljoogto, halka ciidanka degaanka
Buuhoodlena ku suganyahay degaanka Cumaraji oo aan
sidaas uga fogayn Sooljoogto.
Isku soo
duuduuboo dagaalkan soo noqnoqonaya ee u dhexeeya
ciidanka Soomaaliland iyo ciidanka degaanka
Buuhoodle ayaysan jirin cid illaa iyo hadda
isuxilqaanday in ay damiso colaadan, halka labada
dhinac ee dirirtu u dhaxaysana ay qolawaliba
dhinaceeda ugu jirto diyaargarow degaal oo aan
waxba laysu reeban.