Qabsashadii
Somaliland ee Laascaanood khasaare iyo faa’iido
(Qaybtii labaad).
(Laascaanood Feb 21, 2012
Ceegaag Online)
Ku dhawaaqistii maamulka Khaatumo waxaan
shaki ku jirin in ay soo afjartay, oo meesha ka
Saartay dhamaan andacooyinkii ay Somaliland ugu
marmarsoon jirtay kala gownta Soomaaliya, maantana
qadiyada Somaliland waxay ka dhigan tahay sidii
neef la birayay.
Waxaa se xaqiiqa aan mugdi ku jirin ah, in
ay Somaliland aqbali doonto ugu dambaynta
jirtaanka maamulka Khaatumo, iyo in ka bixidooda
magaalada Laascaanood uun ay ka hadhsantahay
maalmo tirsani, si kastaba ha kaga baxaan ee.
SSC waxa faa’iido iyo guul ugu filan in
maanta 21 sano ka dib, Somaliland lagu sandulayo,
in ay dib u soo dhex fadhiisato shir Soomaalida
loo qabanaayo, oo weliba shuruud looga dhigay in
aanay kaga hadli Karin kuna soo qaad qaad Karin
shirkaa qadiyadoodii gooni isu taaga.
Mahad iyo amaan
Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa
Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo
mid kasta oo maray jidkiisii oo ku hadaysmay
hanuunkiisa ilaa iyo maalinta qiyaamaha, Intaas ka
dib:
Qaybtii hore ee
qoraalkan waxaan ku soo qaadanay sidii ay u
dhacday qabsashadii magaalada Laascaanood iyo
shirqoolkii dowliga iyo daakhiligaba lahaa ee taas
suura geliyay, waxaynuna ku sheegnay qoraalkaas in
shirqoolkaasu ahaa heshiis dhex maray shan dhinac
oo saddex ka mid ah yihiin Soomaali, oo kala ahaa
DKM ee waqtigii madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf,
Puntland iyo Somaliland,
Iyo laba dhinac
oo shisheeye ah, oo kala ahaa dowlada Itoobiya iyo
beesha caalamka, oo ay metelayeen haya’adaha
samafalka loogu yeedho. Hadaba qoraalkan maanta
waxaynu ku eegaynaa shantaa dhinac mid walba, waxa
khasaare iyo faa’iido ah ee ka soo gaadhay
qabsashadii Soomaaliland ee magaalada Laascaanood
iyo weliba dhibanaha qabsashadaas oo ah shacabka
SSC, ee hada samaystay maamulka
Cusub ee
Khaatumo State of Somalia, kaas oo ka mid ah
midhihii ka dhashay shirqoolkaas aynu soo xusnay,
ugu dambayntana waxaan ku soo afmeeri doonaa
qoraalkan inshaa Allaahu samayntii maamulkaas
Khaatumo iyo laba Libaax oo shacabka SSC ka dhex
toosay. Waana sida tan:
Dhinacyadii
shisheeyaha ahaa:
dhinacyada shisheeyuhu, iyagu mar walba arintan
iyo kuwa la midka ahba, wax khasaara ahi kama soo
gaadhayaan, bal iyaga faa’iido ayaa ugu jirta,
iyagoo sidaynu la wada socono Soomaaliya guud
ahaan ka leh ujeedooyin badan iyo dano, baa waxay
u tahay arintan oo kale deris ay ku baranayaan
shacabka Soomaaliyeed, iyo waxay kala yihiin, iyo
sida ku haboon ee ay qola
Walba ula
macaamilayaan, markaas iyagu way ka faa’iideen
arintan, oo waxay ku ogaadeen arima badan oo
markii hore mugdi kaga jiray, oo la xidhiidha
Somaliland iyo Puntlandba, qaab dhismoodkooda iyo
danaha guracan ee ay rabaan inay ku fushadaan
dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo beesha
caalamka, markay iyaga ku adkaatay fulintoodu,
waxay kaloo ku ogaadeen xaqiiqada shacabka SSC iyo
rabitaankooda.
Somaliland:
Somaliland oo hada mudo laga joogo 21 sanadood ku
dhawaaqday gooni isu tag, ay kaga madax
banaananayaan Soomaaliya inteeda kale, ayaa la
rumaysan yahay in ay tahay dhinaca khasaaraha ugu
wayn, ee ugu balaadhani ka soo gaadhay shirqoolkaa
aynu soo xusnay, waxayna Somaliland ahayd dhinacii
loogu hiilinaayay, ee qabsaday magaalada
Laascaanood, maamulka Somaliland oo ah ururkii
SNM oo isu
rogay maamul, waxa loo tiriyaa in ay masuul ka
ahaayeen fidnadii wada saamaysay Soomaaliya oo
dhan markii dambe, ee keentay burburka uu dalku
ilaa maanta ku sugan yahay, hase yeeshee waxay
gooni isu taaga ku dhawaaqeen, iyaga oo aan wada
haysan dhamaan gobolada woqooyi galbeed, waxayna
bilaabeen isla markiiba, oo aad ugu dedaaleen in
ay caalamka u sheegaan andacooyin
Badan oo aan
wax asaas ah lahayn, oo ay ku taageerayaan
qadiyadooda, kuwaas oo ay ilaa xad ku guulaysteen,
waayo ma ay jiri jirin cid ka daba tagta oo
caalamka ku baraarujiya andacooyinkan aan waxba ka
jirin, ee ay dunida ku faafinayaan, hase yeeshee
shirqoolkii ay Laascaanood ku qabsadeen, halka ka
sugayeen in uu wax wayn u sii kordhiyo, ama siday
qaarkood ku sifayn jireen in qabsashada
Laascaanood
tahay furihii ictiraaf ay ka helaan caalamka, bay
waxay ku noqotay qabsashadaasu siday Soomaalidu ku
maah maahdo “Geelow geed walba daaqday, ee
maalinta aad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa”,
qabsashadii Laascaanood waxay ku noqotay beesha
degta magaalada taxadi aad u wayn, oo aanay
marnaba aqbali Karin, waxayna dareensiisay karaamo
iyo sharaf dhac, waxana cadhadii beesha
Cirka ku sii
shareeray, markii odayadii dhaqanka, waxgaradkii,
culimadii iwm, ee beesha dhisatay maamulka
Somaliland, ay si toos ah oo aan kala hadh lahayn
isu daba taageen, oo ku taageereen maamulkooda
qabsashadii Laascaanood, iyagoo ku andacoonaaya in
goboladaasu ay ka mid yihiin Somaliland, sidaas
darteed beesha SSC,waxay bilaabeen markiiba sidii
ay isaga dulqaadi lahaayeen
Ciidamadan
magaaladoodii qabsaday, hase yeeshee bilowgii,
waxay ololaha dibu soo celinta magaalada ka
bilaabeen dhinac Puntland, iyagoo filaayay in
maamulka puntland doorkan ku kici doono, waayo
shacabku ma fahamsanayn in maamulka Puntland qayb
ka yahay shirqoolkan magaaladooda lagu qabsaday,
Puntlandna abaabul kasta oo la samayo way kala
tuuraysay, sidaynu ku xusnay qaybtii kowaad
Ee qoraalkan,
hadaba ka dib markii shacabka SSC ay u cadaatay
mowqifka Puntland, ee ah in aanay diyaar u ahayn,
in ay dib u soo celiyaan magaalada xooga lagaga
qabsaday, waxay bilaabeen shacabka SSC in ay iyagu
isku tiirsadaan oo aanay waxba ka sugin maamulka,
oo ay iyagu xoraystaan dhulka laga haysto, hase
yeeshee waxaa beesha ka dhex jirtay muwaafaqa
la’aan baahsan iyo fara gelin kaga
Imanaysay
Puntland iyo Somalilandba, taas oo caqabad ku
noqotay in ay si midaysan uga wada hawl galaan
xoraynta dhulka, sidaas darteed waxay bilaabeen,
in ay arintan u wajahaan si ferdi ferdi iyo koox
koox ah, waxayna bilaabeen dagaalo yar yar iyo
dhinaca siyaasada, in ay ka daba tagaan dhamaan
andacooyinkii ay hore Somaliland ugu faafisay
aduun waynaha, iyagoo u cadaynaaya beesha caalamka
in
Aan
andacooyinkaasu lahayn wax aasaas ah, oo aanay
waxba ka jirin, Somalilandna ay tahay uun qabiil
wax ka dega goboladaa ay ku andacoonayaan, oo aanu
haba yaraatee jirin wax heshiis ah oo ku dhex
maray qabiilada kale, ee la dega mandaqada, oo ah
in la kala gooyo Soomaaliya, oo loo qaybiyo
woqooyi iyo koonfur siday iyagu ku andacoonayaan,
bal ay si baadil ah ugu been abuuranayaan,
rabitaankoodna ay
Doonayaan in
ay ku socodsiiyaan awood ciidan, iyo taageero
guracan oo ay beesha caalamka ka helaan, oo ay
doonayaan in ay ku sandulayaan shacabka kale ee la
dega mandaqada, ciidankaas oo ay ku dhisteen
mucaawinadii iyo gargaarkii bani aadamnimo, ee
beesha caalamku u fidin jirtay, oo ku kaalmayn
jirtay maamulkaas, xaqiiqadatan oo u cadaatay
beesha caalamka, waxay wax wayn ka bedeshay waxay
ka
Aaminsanaayeen
Somaliland, beesha SSC in kasta oo aanay arintan
ku wajihin si midaysan sidaan hada soo xusnay,
hadana waxay mudo kooban dhaawac aad u wayn, oo
xaga siyaasada ah, ku gaadhsiiyeen qadiyadii ay
Somaliland mudada dheer ka dhaadhicinaysay aduunka,
waxana taas barbar socoday dagaalo yar yar oo
dhowr meelood ka dhacay, ilaa uu yimid dagaalkii
waynaa ee Kalshaale, kaas oo gilgilay
Rukumadii ay
ku taagnayd Somaliland iyo qadiyadeediiba, waxaana
markii u horaysay meela badan oo aduunka ah ka
dhacay mudaaharaadyo, Somaliland lagaga soo
horjeedo, siiba London iyo Washington, tan oo ah
mid aan awel hore cidi ugula tartami jirin
Somaliland, waxa loo gudbiyay cabashooyin badan
beesha caalamka, Qaramada Midoobay, IGAD, iwm, oo
loogu sheegaayo in Somaliland leexsatay
Deeqihii
aduunku ugu tala galay gobolada SSC, taas waxaa
barbar socday dedaalo ay beesha SSC ku midaynayso
awoodeed dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo
ciidankaba, kaas oo ugu dambayntii ku soo
dhamaaday guul iyo inay dhistaan maamul iyaga u
gaar ah, oo toos u hoos taga DKM, kaas oo loo
bixiyay ‘maamul goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya’
waxaynuna maamulkaas iyo siduu ku yimid ku
Faah faahin
doonaa qoraalkan xagiisa dambe, ku dhawaaqistii
maamulka Khaatumo waxaan shaki ku jirin, in ay soo
afjartay, oo meesha ka saartay dhamaan
andacooyinkii ay Somaliland ugu marmarsoon jirtay
kala gownta Soomaaliya, maantana qadiyada
Somaliland waxay ka dhigan tahay sidii neef la
birayay, marka neefka la birayo waa la sii daayaa
si uu u galgasho, oo u rafto ilaa ay naftu si
fiican uga
Baxayso, taas
waxa ka dhigan maanta qadiyada Somaliland,
dagaaladii ismiidaaminta ahaa, ee ay Buuhoodle ku
qaadeen, iyo kuwa dambe oo laga yaabo in ay
mandaqada ka dhacaanba, ama iyagu ha qaadeen ama
ha lagu soo qaadee, waxay ka dhigan yihiin uun
galgalashadaa iyo rafashadaa, waxaa se xaqiiqa aan
mugdi ku jirin ah in ay Somaliland aqbali doonto
ugu dambaynta jirtaanka maamulka
Khaatumo, iyo
in ka bixidooda magaalada Laascaanood, uun ay ka
hadhsantahay maalmo tirsani, si kastaba ha kaga
baxaan ee, sidaas darteed waxa fiicnaan lahayd in
maanta caqligu shaqayo, oo ay Somaliland aqbasho
hada waaqica dhulka ka jira, ee aanay suurta galka
ahayn haba yaraatee, in ay wax ka bedesho, intii
ay dhici lahaayeen dagaalo dhiig badani ku daato,
hanti badanina ku burburto, aan se
Waaqica hada
jira waxba ka bedeli doonin, sidaasna waxa inoogu
cad in khasaarihii ugu waynaa ka soo gaadhay
Somaliland qabsashadeedii Laascaanood.
Puntland:
Puntland oo ka mid ahayd dhinacyadii shirqoolka
lagu qabsaday Laascaanood ka qayb qaatay, ahaana
dhinacii ugu daafacaada badnaa, si aanay marnaba
magaaladu ugu soo noqon gacanta shacabka iska leh,
taas oo aynu aad ugu faah faahinay qoraalkan
qaybtiisii kowaad, ayaan iyadana aanu yarayn
khasaaraha ka soo gaadhay qabsashadii Laascaanood,
waxa ka dhashay oo hadheeyay Puntland
Nacayb ay
shacabku u qaadeen maamulkoodii, iyagoo u arka in
maamulkoodii khiyaamayay, oo dhulkii Puntland ku
tagri falay, oo qaarkiis maamul kale uga
tanaasulay, waxay u arkeen in maamulkoodu yahay
mid keli talis ah, oo aan ka turjumayn baahida iyo
rabitaanka shacab waynaha Puntland oo dhan, waxay
u arkaan in uu yahay mid aanay u sinayn shacabku
dhakhliga wadanka iyo ka qayb qaadashada siyaasada
Iyo maamulka,
waxay u arkaan maamul u adeegaaya shisheeye iyo
dhinacyo Soomaali ah, oo wadanka kala gownaaya ama
aan maslaxadiisa rabin, waxay u arkaan maamul
musuq maasuq, idaarad xumo iyo nin jeclaysi
hadheeyay, oo aan ka talinayn horumarka Puntland,
waxay arkaan maamul caqabad ku ah sidii Soomaali
laysugu keeni lahaa, oo loo abuuri lahaa dowlad
qaran, loona soo celin lahaa karaamadii
Iyo sharaftii
ummada ee burburtay, taas oo ahayd sababtii iyo
himiladii kowaad, ee loo aas aasay maamulka
Puntland, sidaas awgeed waxa dhacday in dhowr
meelood oo Puntland ka mid ah lagaga dhawaaqay
maamul goboleedyo, nabadii iyo xasiloonidii
goboladuna faraha ka baxaan, shacabkii iyo
maamulkiina is colaystaan, ugu dambayna waxa
maamul goboleed loo bixiyay Khaatumo, lagaga
Dhawaaqay
gobolada SSC, goboladaas oo ahaa kuwo ku leh
Puntland miisaan aad u culus, wallow sidaan soo
xusnay hada, uu maamulku horeba ugaga tanaasulay
goboladaa maamul kale, oo aanay hada ka bixidoodu,
aanay macna wayn ah u samaynayn maamul ahaan,
sidaasna waxayba dad badani shaki ka qabaan in
ayba sii jiri doonto Puntland, hadaan maamulkan
hada ka jira, ee kala fogeeyay shacabkii
Puntland la
bedelin, sidaasna waxay Puntland ku noqotay
dhinacii labaad, ee uu khasaaruhu ka soo gaadho
qabsashadii Somaliland ee Laascaanood.
DKM:
DKM ah ee ka qayb qaadatay shirqoolkii ay
Somaliland ku qabsatay Laascaanood, waa tii uu
madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed
waqtigaas, iyaguna waxay shirqoolkan ku
taageerayeen dowlada Itoobiya iyo maamulka
Puntland, khasaarahana waxay la wadaagaan Puntland
oo ay shirqoolkan ugu hiilinayeen, laakiin se DKM
ee uu hada madaxa ka yahay Shiikh Shariif Axmed,
wax
Lug ah kuma
laha shirqoolkaa, markay xukumka yimaadeena, waxba
kama qaban dhibtii uu shirqoolkaas sababay, in
kasta oo ay xoogaa caadifad ah u muujiyeen dhinac
SSC, sidoo kalena ay xoogaa caadifad ah u
muujiyeen dhinaca Somalilandna, lama garanaayo
labada caadifadood mid ay ka run sheegayaan! Hase
yeeshee waxaan shaki ku jirin in hadba dhinacii ay
beesha caalamku la soo safato, ay iyana la
safanayaan!
Dhibanaha:
dhibanaha oo ah shacabka SSC, waxa la rumaysan
yahay in uu yahay dhinaca ka faa’iiday
shirqoolkaas, in kasta oo ay shacabka SSC
shirqoolkaa ka soo gaadhay dhibaatooyin badan, oo
aad u waawayni, oo isugu jira dil, dhaawac, hanti
burburtay, barakac, dibudhac waxbarasho, mid
caafimaad, mid dhaqaale iwm, hadana waxaa faa’iido
iyo guul ugu filan, in ay dumiyeen rukumadii ay ku
Taagnayd
Somaliland tii dulmiga iyo wax yeelada u gaystay,
oo caalamka ku baraarujiyeen xaqiiqada iyo wejiga
dhabta ah ee Somaliland, waxa faa’iido iyo guul
ugu filan in maanta 21 sano ka dib Somaliland lagu
sandulayo, in ay dib u soo dhex fadhiisato shir
Soomaalida loo qabanaayo, oo weliba shuruud looga
dhigay in aanay kaga hadli Karin kuna soo qaad
qaad Karin shirkaa qadiyadoodii gooni isu taaga,
ee bal
Ay ku
koobnaadaan in ay shirkaa kaga hadlaan horumarka
ay ka gaadheen dhinacyada nabada iyo
diimuqraadiyada, fariintaas amarka ah, oo ay u soo
gudbiyeen dublomaasiiyiin aad uga meeqaam hoosaya,
kuwa inta kale ee Soomaaliya gaadhsiinaayay
casuumada shirka London, taasuna waa guul ka
dhalatay dedaaladii faraha badnaa ee shacabka SSC
samayeen, iyada oo ay dowladaha reer galbeedku aad
Uga xumaadeen
beenta ay Somaliland waqtiga dheer u sheegi jirtay,
ee ah in shacabka gobolada woqooyi isku raacsan
yihiin gooni isu taaga, iyada oo sidaad ka war
qabtaan dadka reer galbeedku aad u neceb yihiin
beenta, Somaliland waxaad moodaa in beentii ay ku
bilaabeen waqtigii ay ahaayeen jabhadii SNM, ay ka
soo noqon kari waayeen oo ay caadaysteen, waxaa
aad la yaab iyo naxdin u lahaa in
Dagaalkii
Buuhoodle dhowaantan ka dhacay oo lagaga dilay
ciidan kor u dhaafaya boqol, hub iyo saanadna
lagaga qabsaday, caalamka laga wada arkayay, in ay
dafiraan oo yidhaahdaan meeshaa dagaalba kama
dhicin!!! Waa yaabee ma waxaanay ka war hayn halka
caalamku maraayo manta, iyo inaan wax qarsoomi
karaa jirin!! Meeday se xuquuqdii iyo karaamayntii
askartii Somaliland darteed dagaalka ugu
Hoobatay, ma
waxa abaalkoodii noqday in geeridooda la qariyo,
maytkoodana xurfad sheewal lagu qoday, labaatan
iyo ka badanba loogu aaso, siday yihiin eyo ama
dameero bakhtiyay!!! Ma taas baa abaalka ay ka
mudnaayeen maamulkooda!!! Tan kale ee la yaabka
leh, waxay tahay markay rag
Aqoonyahano
iyo siyaasiyiin ahi, ay shacabka ku odhanayaa
ictiraaf uma baahnin, oo Taywaanba ictiraaf ma
haysato, iyana ay ka rumaysanayaan!!! Ma waxaanay
aqoon Taywaan in ay Mareekan tahay!!! Iyagu ma
Mareekan baa!!! Waxa halkaa kaaga muqata in
maamulka Somaliland iyo taageerayaashiisuba
cadaysteen beenta, waxa guul wayn u ah shacabka
SSC in ay maanta samaysteen maamulka khaatumo,
kaas oo soo afjaray, marmarsiinyo iyo andaca kasta,
oo la rabay in Soomaaliya lagu kala gooyo.
Samayntii
maamulka Khaatumo iyo laba Libaax oo SSC ka dhex
toosay.
Shacabka SSC
intii Soomaaliya burburka ku jirtay, waxay la
kulmeen maag lays maago kii ugu waynaa, ee ugu la
yaabka badnaa, waa mid ka yaab badan kii uu ka
gabyay halyay Ismaaciil Mire Allaah ha u
naxariistee, markuu lahaa ‘ragow maaga maagaa ka
wayn yaa maqlay oo joogay’, waana in ay beel ay
walaala yihiin ku tidhaahdo dhulkan aad degan
tihiin waa Somaliland, oo anagaa leh, idina naga
mid baad
Tihiin,
hadiise aydaan idinku rabin Somaliland, u guura
meeshaad rabtaan, dhulku se waa Somaliland, waayo
dhulku ma guuro ee dadkaa guura!!! Fikirkan wuxuu
la mid yahay kuway aaminsanaayeen Naasiyiintii
Jarmalka, cadaankii Koonfur Afrika, iwm, hase
yeesheearintan mudo dheer wax fal celin ah lagama
samayn, oo waxaa loo arkaayay hadal aan macna wayn
lahayn, oo dad qayra masuul ah iskaga
Qarwayaan,
laakiin qabsashadii ay Somaliland qabsatay
Laascaanood, waxa shacabka SSC ku baraarugay
khatarta ka dambaysa hadalkan cunsuriga ah, waxana
fal celin ka samayay dad badan oo aan markii hore
ka hadli jirin arimahan, waxaa ka mid ahaa dadkaas
fanaanada wayn ee Saado Cali Warsame, waxayna
bilowday iyada oo fankeeda adeegsanaysa, in ay ku
baraarujiso shacabka, khatarta ugu sugan shacabka
SSC iyo
Soomaaliya guud ahaan, in uu qabsado maamulka
Somaliland dhulka SSC, hase yeeshee waxaa caqabad
ku noqotay Saado Cali midnima la’aanta beesha
dhexdeeda ah, iyo in aanu jirin hogaamiye isu soo
taagay, oo isu xilqaamay in uu beesha ka gudbiyo
marxaladan adag, laakiin se Saado Cali taasu may
niyad jebin, halgankeedana way sii dardar gelisay,
shacabkana waxay u sheegi jirtay had iyo jeer in
uu
Soo bixi doono
hogaamiye libaax ah oo beesha midayaa, sidii ayna
Libaaxaa u saadinaysay, mar ay tidhaahdo libaax
baa iman libta qaata ee suga, iyo mar ay tidhaahdo
mid bulbulaa baa yimid, ayaa mar qudha maaha mid
keli ah ee, ay laba Libaax ka dhex tooseen
shacabkii SSC, waa laba nin oo aqoon yahan ah, oo
Soomaaliya iyo aduunkaba si wayn looga yaqaano, oo
looga qaderiyo, waa laba siyaasi oo yaqaana
Afka
diblomaasiyada ee aduunka lagula hadlo, waa laba
nin oo wadaniyiin ah, oo maslaxad guud ee
Soomaaliya, wax kasta ka hor marinaaya, waa laba
nin oo dhaqaalaha ku xeel dheer, waa laba nin oo
leh aqoon diini ah iyo khuluq wanaagsan, waa laba
nin oo Allaah hibo u siiyay xikmada, aftahanimo
iyo aragti suuban, waa laba nin oo is buuxiya oo
midba ka kale inta ka dhiman u dhamaystiraayo, waa
Prof.
Cali Khaliif
Galaydh iyo Dr. Cali Ciise Cabdi labadoodaba
Allaah ha dhowr ee, labadan aqoonyahan hore uma
soo dhex geli jirin arinta beesha, iyaga oo ka war
qabay dhibta jirta, hadana waxay ka doorbidi
jireen, oo isku hawli jireen in Soomaaliya dhibta
ka taagan la xiliyo horta, dhibaatooyinka SSC ka
jiraana ay taas ku xalilmayso, hase yeeshee markii
loo maara waayay in la xiliyo dhibta guud ee
Soomaaliya, oo
Looga maara
waayay fara gelin shisheeye, ugu dambayntiina ayba
gaadhay meel ay talo fara ka haaday, ayay waxay
garowsadeen bal in hoos wax laga soo bilaabo, oo
bal horta ay beeshooda oo aduunka si wayn looga
dareensaanaa kala qaybsanaantooda, ay bal horta
iyaga midayaan, rabitaankoodana u suura geliyaan,
waxayna bilaabeen in ay shir ka madax banaan gacma
shisheeye iyo Soomaaliyeedba ugu
Qabtaan
magaalada Taleex, runtii shirkaasu wuxuu ahaa kii
ugu fiicnaa ee ay abid qabsato Soomaaliyi, xaga
abaabulkiisa, maarayntiisa iyo fulintiisaba, wuxuu
shirkaasu ka dhacay madal aad u qurux badan, oo
geed hoostiisa, looguna magac daray Berdihii
Khaatumo, waxa halkaa isugu yimid dhamaan qaybaha
kala duwan ee shacabka SSC, shirkaas oo ajandihii
laga dhex samayay doodihii shacabka, wuxuu ku
Dhamaaday guul
iyo is afgarad aan laga filayn, marka loo eego
kala qaybsanaantii xooganayd ee beesha ka dhex
jirtay, waxana lagu aas aasay maamul goboleed tayo
leh, oo ay yeeshaan gobolada SSC, kaas oo loo
bixiyay “maamul goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya”,
waxaynu ka faa’iidaysanaynaa arintan in ay
Soomalidu u baahantahay shir balaadhan oo ay
gudahooda ku qabsadaan, oo ay aayahooda kaga
Tashadaan, oo
ka madaxbanaan fara gelin shisheeye, iyo inay
Soomaaliya u baahan tahay hogaamiye danta guud ka
fekeraaya, oo ummada midaya, aanay se waxba u soo
kordhinayn, shirarkan shisheeyuhu hadaba u
qabanaayo, oo arimaha markaa taagan uga sii
daraaya uun.
Wabillaah
atowfiiq
Ciise Maxamuud
Aadam
almutawaadic@yahoo.com
Ceegaag Online way
ka madax banaan tahay figrada qoraalku xambaarsan
yahay kala xidhiidh wixii bogaandin ama dhaliila
qoraaga ku saxeexan............
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |