Ra段sulwasaaraha Oo Kulan Ballaaran Oslo Kula
Qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed Ee Norway
(Oslo,
Norway.
Feb 29, 2012
Ceegaag Online)
Dhagayso Qudbadihii Xaflada qaybaheeda
1aad
2aad
3aad
Ra段sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo
Wafdi uu hogaaminayo ay socdaal ku marayaan dalka
Norway ayaa caawa magaalada Oslo kula kulan
ballaaran kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee
ku nool dalkaasi.
Xafladda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo
agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Norway oo iyagu daneynayey inay la
kulmaan Ra段sulwasaaraha dalka iyo Wafdigiisa
waxaana Wafdiga Ra段sulwasaaraha ka mid ahaa
Ra段sulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga
iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas
Xuseen,Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)iyo la taliyaha
Ra段sulwasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane
Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow).
Furitaanka aayadaha Qur誕anka kadib waxaa
xafladda khudbado ay ku muujinayaan aragtidooda ku
aadan xaalada dalka iyo waxqabadka Dowladda ka
jeediyey xubno u hadlay Jaaliyadda oo isugu jiray
dhalinyaro,haween,odayaal iyo Aqoonyahano waxaana
ay dhammaanba muujiyeen sida ay waqtigan ugu
qanacsan yihiin waxqabadka Dowladda ayagoo taana
ka hambalyeeyey.
Ra段sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali oo Xafladda
ka jeediyey khudbad dheer ayaa ugu horeyn
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway uga mahad
celiyey sida ay usoo agaasimeen xafladan qiimaha
badan waxaana uu Ra段sulwasaare C/weli faah faahin
ka bixiyey waxqabadka Dowladda iyo waxyaabaha
waqtigan qorshaha u ah.
Ra段sulwasaare C/weli waxa uu dhanka kale ka
hadlay Midnimada Umadda Soomaaliyeed waxaana uu
tilmaamay in Midnimada Umadda ay tahay muqadas
islamarkaana Soomaali meel walba oo ay joogto
looga baahan yahay inay ilaashadaan islamarkaana
isku duubnaadaan aysanna ogolaan in lakala qeybiyo.
Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa sidoo kale ka
hadlay waqtiga KMG ee Dowladda oo ku eg bisha August 20keeda
sanadkan aynu jirno ee 2012 waxaana uu tilmaamay
inay lagama maarmaan tahay in laga gudbo KMG
nimada wadadii looga gudbi lahaana ay hada
Dowladdu heysto taasi oo ah hirgelinta Road-Mapka.
Ugu dambeyn waxa uu Ra段sulwasaare C/weli
Maxamed Cali baaq u jeediyey guud ahaanba
Jaaliyadaha Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay
iney ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda
islamarkaana loo baahanyahay in dadka aqoonta leh
ee dibadaha wax ku bartay ay umadooda ugu adeegaan
waxa ay barteen.
Sidoo Kale xafladda. Waxaa ka hadlay xafladda
Ra段isul Wasaare Ku xigeenka Ahna Wasiirka
Ganacsida iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhiya
Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Ubah oo
ka mid ah Xildhibaanada Deegaanka ee Oslo. Waxaana
xafladda xiriirinayey Baashe oo isna ah Xildhibaan
ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Oslo.
Intii ay Xafladdu socotay ayaa Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Norway waxay Ra段sulwasaaraha
gudoonsiiyeen shahaado sharaf ayadoo dhanka kalena
goobta lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka
turjumayey qiimaha wadaniyadda waxaana guud
ahaanba ay xafladdu kusoo gabagabowday jawi aad u
wanaagsan.
Daawo Sawirada Xaflada
Xigasho:Radiyowmuqdisho
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |