Rwasaare C/weli
Iyo Wafdi Uu Hoggaaminyo Oo Si Diiran Loogu Soo
Dhaweeyey Garoowe”Daawo Sawirrada”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ka kooban Wasiiro ayaa
maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada
Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo la
filayo in maalinta berri ah uu ka furmo shirka
Garowe2.
Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran
ugu soo dhoweeyey garoonka madax uu horkacayay
madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabdiraxmaan
Maxamed Faroole iyo madaxweyne kuxigeenka Mudane
C/samad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiiro
Xildhibaano, saraakiil, iyo dadweyne aad u tiro
badan, wuxuuna R.wasaaruhu salaan sharaf ka qaatay
cutubyo ka tirsan ciidankan Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay
ayaa u sheegay in imaatinkiisu uu la xiriiro
shirka maalinta burrito ah laguw ado inuu ka furmo
magaalada Garoowe isaga oo ku tilmaamay shir
muhiimad gaar ah xambaarsan maadaama looga
arrinsanayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur
ay ku dhaqanto maadaama ay la qaatay Nidaamka ku
dhisan Federaalka.
“Waxaan halkan u imid sidii aan uga qeybgali
lahaa shirka Garowe2 oo daba socda shirkii horay
halkan uga dhacay, wuxuuna xambaarsan yahay
muhiimad gaar ah maadaama looga hadlayo sidii
dalka loogu sameyn lahaa Dastuur” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay inuu filayo in
shirkani ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in
diirada la saari doono dabogalna lagu sameyn doono
go’aanadii ka soo baxay shirkii midkan ka horeeyey
ee (Garowe Principles), si looga gun gaaro
go’aanada iyo balanqaadyadii horey loogu heshiiyay.