Shiikh Garbashaalle iyo
Somalia States Qaybtii 2aad
(Khaatumo.
Feb 13, 2012 Ceegaag Online)
Gabay xigasho: “Dugsi
ma leh qabyaaladi waxay dumisa mooyaane”
http://www.youtube.com/watch?v=efj_zxnIxRE
Maanta maqaalkan waxaan in yar kaga hadlayaa dabaysha maamul
qabiileedka ee beryahan danbe Soomaaliya ka soo ifbaxay, ka
dibna waxay sii wadi doonaa sheekadii odayaashii fadhi ku
dirirka ahaa.
Ugu horayn bal aan wax yar ka idhaahdo su’aasha ugu horaysa
ee su’aalihii maqaalkii hore aynu isku weydiinay oo ahayd
maxaa kalifay maamul qabiileedyadan? Waxaan arrinta anigu ku
tuhunsanahay saddex arrimood inay keeneen:
1.
Tan hore waa arrin salka ku haysa cudurka hurgumada leh
(virus) ee qabyaaladda ee ay Soomaalidu qabto. Waagii hore
qabyaaladdu waxay ahayd mid inta badan ku kooban dhulka
daaqsinta ah ee dadka reer miyiga ahi ay xoolaha ku dhaqdaan,
taas oo marar badan keeni jiray in qabiilooyin isku dhacaan
dagaalana dhexmaro, ka dibna ay ka heshiiyaan oo la dhegalo.
Dhinaca magaalooyinka, inkasta oo ay sanadihii 1960-1969 ay
jireen xisbiyo salka ku haya qabiillo, hadana marna abaabul
siyaasadeed oo qabiil ma suurta gelin. Haddaba mudadii dhawr
iyo labaatanka sannadood ahayd ee dawladdii dhexe ee
Soomaalidu burburtay waxaa fursadi weyni u soo baxday dadka
cudurkan qabyaaladdu sida xun u hayo iyada oo ay weliba sii
xoojisay dhaqaale iyo garab ay ka helayaan dad badan oo
Soomaaliyeed oo dibadda waddanka uga soo baxay.
2.
Waxaa taa weheliya arrin ay iyana burburkii Soomaaliya
keentay oo ah in dad badan oo arrimaha siyaasadda hore ugu
jiri jiray ama daneeyaa ay dibadda Soomaaliya uga soo baxeen.
Dadkaasi dalalkii ay u soo baxeen kama helin wax fursad ah
oo ay balwadoodaa siyaasadeed ku sii raacdaan, inkastoo
qaarkood ay xataa xirfado kale iyo dhaqaalaba ka heleen
waddamada dibadda ee ay u soo haajireen. Waxaa dadkaa u
muuqday in ay meesha keliya ee ay siyaasad ka gaadhi karaan
ay tahay in ay ku soo gurya noqdaan qabiilooyinkii ay ka soo
jeedeen, inkasta oo intooda badani wax xidhiidh la lahayn
dhulka ay hadda maamulada qabiilka ku astaansan ay ka
samaynayaan.
3.
Sababta saddexaad waa fahamka dad badan oo Soomaalida ku
abtirsadaa ka qabaan maamulka dawladeed. Waxaa jira in
maamulka dawladda loo haysto in uu yahay meesha lagu hanto
awood dadka lagaga hormaro, ama ha noqoto awood dhaqaale ama
mid siyaasadeed. Waana tan lagu xayaysiiyo laguna duufsado
dadka aan aragtida dheer lahayn, iyadoo loo sheegayo in ay
marka dawlad ama maamul ay samaystaan ay helayaan awood
aanay hore u haysan oo ka maqnayd.
Saddexdaa arrimood oo isgarabsaday ayaan qabaa in dabayshan
maamul qabiileedyada cusub ay keentay. Waxaan aaminsanahay
in ay tahay kafantii lagu tolayey qiiradii Soomaalinimda
(Somali Nationalism), iyadoo loo walqalayo qabiilaysi sii
kala furfura kalana didiya ummadda Soomaaliyeed dabadeedna
midba meel waraabe sugayey ku cuno.
Waa tii maahmaadii ama riwaayaddii ahayd: “Talo Xuma Tol
La’aan Bay Dhashaa” Dadka ku riyoonaya qabiil baan ummad
iyo dawlad Soomaaliyeed ku dhisayaa, waxaan leeyahay
Qabiilaysi iyo Qaranimo meel mawada geli karaan. Tan
qabiilaysigani keenayaa waa in beri dhow la waayo wax
Soomaali sheegta.
Su’aasha labaad ayaynu ku eegi doona maqaalka todobaadka
danbe “haddii eebbe idmo”.
Hadana odayadii fadhi ku dirirka ahaa ayaa sheekadoodii sii
wata ee akhris wanaagsan:::::::::::::::::::
Dhoohane:
Waar salaama calaykum
Dhunkaal:
Calykuma salaam wa raxmatullaahi wabarakaatu, waar Dhoohane
xaggeebaad ka dhacday, anna telefoonno iyo waxbaan kuu hayey
oo meel aad ka baxdayba sow maan waayin…..Bal ii waran.
Dhoohane:
Waar maxaa ku waramaa wixii sow ma dhexgelin imminka laba
habeen indho isuma keenin. Teleconfarans baan min 12
saacadood shalay iyo xalayba ku hadlayey oo aanaan mar qudha
dhigin….
Dhunkaal:
Maxaad qabateen dawladdii ma dhisteen?
Dhoohane:
Belo! Waar maxaanu dawlad dhisnaa, markii aniga iyo dhawr
nin oo kale oo aan meelahan ka helay hawshii aanu dadkii u
bandhignay yaaba meel walba dacwadi ka furantay. Sow dadkuba
war isuma hayee anagaaba reer-reer iyo raas-raas isu
haysanna, wixiibaanu iminka todobaad ku jirnay welina ma
dhowa. Waarbal tiinii ka waran, oo dawladdii ma dhisteen?
Dhunkaal:
Ma taayadii he! Oo miyaadan BBC da, intarnatyada iyo
idaacadahaba dhegeysan? Meelwalba waa laga sheegay DUNDUMO
Stayt of Soomaaliya miyaadan maqal. Meelwalbana waa laga
aqoonsaday, Muqdisho ragbaa loo diray oo waa laga aqoonsaday,
qaramada midoobay, ururka Afrikaanka. Lacagihii adduunku
bixin lahaa baa imminka lagu maqan yahay oo la soo furayaa.
Dhoohane:
Horta hambalyo…Annaga shirkayagii waxyaala badan baa la
isweydiiyey, niman baa nagu jira madax adag oo aan waxba
laga dhaadhicin karin. Waxaa ugu adkaa oo lays weydiiyey;
war haddii qolooyinkan aynu jaarka nahay ee isku degaanka
nahay ka goosano xaggan Muqdisho iyo federaalkan aynu
sheegaynaba la waayo maxaynu yeelaynaa? Dhunkaal bal arrinta
sida aad idinku u maaraynaysaan bal maxay kula tahay?
Dhunkaal:
Waar horta waxaaba annaga cidiba isma weydiin, nimankaan kuu
sheegayey ee ruug caddaaga ahaa uun baa sidaa wax noogu
afuufay dabadeedna hawraarsan iyo guddoon uun baanu nidhi.
Tan kale annagu waxaanu u samaysanay maamulkaba waa inaanu
ka xorowno qolooyinkaa aanu jaarka nahaye, meesha ay nala
tegeyso maanagaaba dan kale. “Ilaahow maa Jarmalla Qabsado”
Federaalkan la sheegayaana wuxuu yahay iyo inuu iman doono
xataa cidi war kama hayso. Waxaa nalagu yidhi dawladna waa
la samayeye lacagtii, aqoonsigii iyo wixii dawladda lagu
wadi lahaaba waa soo scodaan.
Dhoohane:
Walaahay waxaan ka baqayaa Dhunkaalow in federaalkaa iyo
waxaa aynu sheegaynaa uu noqdo awrkii circa ee la lahaa
niman baa sallaan u dhigtay oo la waayaba, innaguna aynu
meel cidla ku go’doono.
Dhunkaal:
Taa ha u baqin! Wallee ciil uma qabo mar hadii aan reer
Quulle cabaad kaga sii daayey; “Badduna buurta ha hirdido”
Dhoohane:
Waar bal telefoonkii baa layga sugayaayoo shirkii baanu
galabta leenahaye nabad gelyo, idinka hawli idinka dhacdaye
annagay nagu hadhaye. Waar waxaa noogu daran niman
Soomaaliya jooga oo aanu u taag la’nahay oo maantaanu kala
quusanaynaa.
Dhunkaal:
Belo… waar kuwaa imminka ma cidbaa wax weydiisa, woxoogay
meelahan uga ururiya oo dhawrka qabqablayaasha ahna
qayilsiiya, kuwa shaambadaha sitana sow ma lihidin? Kuwaana
afkoodii kula hadla oo side u badaw santihiin, kuwaana waa
la yaqaan!!
Wallee Dhoohanow inaydaan rag iska celinayn inta aad dad
kale ku dhex jirtaan ama hoos joogtaan ee hawsha dardar
geliya.
Dhoohane:
Haa bal waa dadaalaynaa nabad gelyo…….
Dhunkaal:
Nabadeey. Waar ninkani ma shariif Aweys baa.
Shariif:
Haa Dhunkaal nabad miyaa, maalmahaan nuurkaaga waa la waayey
maxaa jira yaakhii? Taksigaagiina kii oo Bedel la dhahaayey
oo wataan arkaye waxaaban is dhahaayey duqii waa dhoofay.
Dhunkaal:
Waar ma dhoofina hawl adduun baan ku jiray. Soomaaliya wax
ka wadnayoo arrimaan beryahaan ku mashquulsanaaa.
Shariif:
Hawl adduun maxay tahay Dhunkaal ma awalaad hawl aakhiro ka
shaqayn jirtay, war hooy maa joogtidoo iska xamaalatid
Soomaaliya wax kuuma yaaliine.
Dhunkaal:
Ilaahow nimaan wax ogayn ha cadaabin! Miyaanad ogayn in
qoladayadii dawlad samaysatay oo imminka aanu madaxweynayaal,
wasiiro, baarlamaan yeelanay. Anigaygan kula hadlaya
safiirka halkan wakiilka dawladaa uga noqonaya baa la ii soo
magacaabayaa.
Shariif:
Aboow..abooy, idinkoo aya ah? Shimeese sheekadeen keenteen?
Dhunkaal:
Oo horta Shariifow ciddaan ahay ma taqaan?
Shariif:
Maxaan kasaa yaakhii, maalin walba mid cusb baad jeebka kala
soo baxaysaane…. Reer qaac, reer dabayl…..reer mutulu,
idinka intee waxaan ku joojinaysaan, mise waa sii dhal-dhalanaayaanlee
subxaana laa…Bal hadda kuwiina ii sheeg.
Dhunkaal:
Shariif anaga waxaa nala yidhaahdaa reer dundumo, waxaanu
samaysanay maamul noo gaara oo la yidhaahdo Dundumo Stayt.
Shariif:
Dhegeyso saaxiibow, dadka fara dheerta ah markii shirkii
Soomaaliya wax la qaybsanaayey waxaad noo sheegteen inaad
tihiin afar khabiil, waxaad qaadateen halhal, afar maahoo,
anaga oo shan khabiil oo dhulkanba aad ugu timaadeen idinka
oo qorya wata, waxaad na tidhaadeen waxaad tihiin haaf.
Haddana waxaa i leedahay afartiinii baa dawlado khabiila
kale sii dhal dhalaaya…..Walaahay Soomaalidiinaan waa na
wareeriseen.
Dhunkaal:
Shariif arrintu sidaa maaha, xalku sidan buu ku jiraayoo
qabiil waliba dawlad buu samaysanayaa, dabadeedna waxaa
layusgu imaanayaa dawlad federaal ah oo inag dhexaysa ee
idinkuna maad maamul samaysataan sidayada oo kale.
Shariif:
Oday Dhunkaal, adiga waxaad ii sheegaysaa khabiil maahoo,
basal waaye intee safbaa sii kala hooseeye. Adiga kuwan
hadda aad ii sheegayso ee reer Dooli…Dundun may ahaayeen,
intee qabiil baa ku sii hoos jira, intee ku joojinay.
Berritana reer Dabayl oo reer Dundun ka tirsanaa ayaa
madaxweyne samaystay baad soo wadaan… waar iga dhaaf waxaa
aniga ha igu wareerine….Taydiibaaba inta igu haysatee,
shaqaaan ku ordaa waa inoo mar kale.
Waa socotaa ……………
shiikhgarbashaale@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |