Shirka
Dastuurka ee ka dhacayay Garoowe sadexdii
maalmood ee lasoo dhaafay oo caawa 11:23 PM SGAB
la soo afmeeray
Shirka meelmarinta Dastuurka Soomaaliya ee Garoowe
ka socday sadexdii maalmood ee ina dhaafay ayaa
kusoo gabogaboobay is afgarad dhex maray
masuulioyiintii shirkaa isugu timid, Shirkan oo ay
isugu yimaadeen Maamulada Puntland, Galmudug,
dhaqdhaqaaqa Ahlusuna, iyo dawlada dhexe ee
Federaalka ayaa lasoo afmeeray abaarihii 11:30 PM
caawa saacada Afrikada Bari kadib markii laga
heshiiyay qaabka Baarlamaanka ay Soomaaliya yeelan
doonto tiradiisa oo shirka ku keentay caqabadii
ugu wayneed.
Wararka aan ka helano Garoowe ayaa sheegaya in
shirkaasu hada u muuqdo mid taabo galay oo guul ku
dhamaaday kala soca faahfaahinta warkan
Ceegaag.com