Wasiir ka
tirsan Britain oo sheegay in Shirka London uu
ahmiyad u leeyahay Soomaalida
Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda Britain Henry
Bellingham ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka ka
furmi doona magaalada London ee looga hadlayo
arrimaha Soomaaliya.
Mr. Henry Bellingham oo u warramayay idaacadda
VOA-da ayaa sheegay in la joogo xilligii bulshada
caalamka iska kaashan lahayd in nabadgelyo iyo
degannaansho laga dhaliyo Soomaaliya, isagoo
tilmaamay in arrintaasi ay keeni karto in laga
gudbo marxaladda KMG ah ee ay haatan ku
shaqeyneyso dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in shirka London ay ka
qeyb geli doonaan 40 dal iyo ururro caalami ah oo
lagu casuumay, kuwaasi oo diiradda saari doona
sidii looga gudbi lahaa xilliga kumeel gaarka ah
oo ku eg bisha August ee sanadkan.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain
Henry Bellingham ayaa meesha ka saaray inay
suuragal tahay in military ahaan ay Soomaaliya u
fara geliyaan, isagoo intaasi raaciyay in ay
guullo la taaban karo gaartay dowladda KMG oo
hadda gacanta ku heyso dhammaan magaalada Muqdisho,
iyadoo gacan ka heleyso ciidamada nabad ilaalinta
Midowga Afrika ee AMISOM.
Shirka 23-ka February ka furmi doona magaalada
London ayaa waxaa looga arrinsan doonaa
dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, sida
argagixisada, burcad badeedda iyo gargaarka
bini’aadannimo.