Xaflad
lagu maamuusayey soo dhaweynta R/wasaare xigeen
ahna Wasiirka Ganacisga iyo Warshadaha isla
markaana lagu taageerayey guulaha Dowladda
Federalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada
Aarhus ee Caasimada labaad ee dalka Denmark.
Xaflad lagu maamuusayey soo dhaweynta R/wasaare
xigeen ahna Wasiirka Ganacisga iyo Warshadaha isla
markaana lagu taageerayey guulaha Dowladda
Federalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada
Aarhus ee Caasimada labaad ee dalka Denmark.
Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay jaaliyada
Soomaaliyeed ee Magaalada Aarhus, iyo ganacsatada
Magaaladaasi ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin
la xiriirta xaalada dalka Soomaaliya, oo uu soo
gudbinayey R/wasaare xigeenka, iyada oo su’aalo
dhowr ahna lagu weydiiyey goobta Wasiirka
ganacsiga iyo warshadaha kuwaas oo u badnaa
arimaha siyaasada iyo sida ay qurbo joogto suurto
gal u tahay in ay gacan uga geysato dib u dhiska
dalka Soomaaliya.
Xafladaasi ayaa waxaa ka hadlay Madaxda
Jaaliyada ee Magaalada Aarhus, ee kala ah Daahir
Ibraahim Waasuge (Daahir Yaaqshiid) iyo Cabdi
rashiid Siyaasi, kuwaas oo ka xogwaramay xaalada
Soomaalida Magaalada Aarhus, iyo sida ay diyaarka
ugu yihiin in ay gacan u siiyaan dowladda
federalka ah ee Soomaaliya, waxa ayna rwasaaraha
u balan qaadeen in ay in ay diyaar u yihiin
kaalintooda ku aadan dib u dhiska dalka.
Xafladaasi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay
Siyaasiga Xasan Xaaji, Sucaado, Ugaaska Beelaha
Soomaaliyeed, iyada oo tixo baraarunbur ah ay
halkaasi ku soo bandhigtay abwaanada Xaliimo
soofe.
Ganacsade Cabdi Xasan Lixaati oo gacanta ugu
weyn iyo abaabulka xaflada lahaa ayaa sheegay in
ay soo dhaweynayaan baaqa wasiirka ganacsiga ee
la xiriira in laga qeybqaato maalgalinta dalka
gaar ahaan in ganacsatada ay dalka ku laabtaan
ayna maalgashadaan, waxa uuna rajo wanaagsan ka
muujiyey in sida ugu dhaqsaha badan ay baaqaasi
uga jawaabi doonaan.
Raysalwasaare xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga
iyo Warshadaha Mudana Cabdiwahaab Ugaas Xuseen
oo halkaasi ka hadlay ayaa qurba joogta ku amaanay
in ay doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib u
dhiska dalka, waxa uuna faahfaahin dheeraad ah ka
siiyeeyey xaaladaha siyaasadeed iyo tan dhaqan
dhaqaale ee dalka, isaga oo si gaar ah u amaanay
haweenka Soomaaliyeed oo door mug leh ka qaatay
mar walba taageerada dowladda Soomaaliyeed.