Ururka u dooda xuquuqda Aadanaha ee (Human Rights
Watch), ayaa warbixin ay soo bandhigtay ku
eedeeyey xukuumada Itoobiya in si qasab ah lagu
raray dad beeralay ah si dhulkooda looga kireeyo
shirkado ajanabi ah oo maalgashada.
Waxa ay warbixintu diirada Saartay Ismaamulka
Gambeela iyada oo qeexday in beeralay gaadhaysa
ilaa 700,000 dhulkoodi xoog looga kaxeeyey. Waxa
Human Rights Watch ay intaa ku dartay, in
tuulooyinka dadka loo raray ayna lahayn adeegyada
waxbarshada, caafimaadka iyo dhul la beerto.
Dawlada Itoobiya ayaa gaashanka ku dhufatay
eedeynta ururka Human Rights Watch iyada oo ku
tilmaantay in barnaamijka tuulayntu halbowle u
yahay horumarinta dalka.
Simin Berket ayaa sheegay in barnaamijka dib u
dajinta ee Gambeela uu yahay mid dadka dan u ah
isaga oo ku nuuxnuuxsady in 20,000 oo qof dib loo
dajiyey iyada oo la gaadhsiiyey adeegyada kala
duwan ay ka mid yihiin biyuhu, caafimadka iyo
waxbarsahada, Waxa uu afhayeenka dawladu si adag u
sheegay in aysan dib uga noqon doonin barnaamijka
dib-u-dajinta.
Xukuumada Itoobiya iyo Human Rights Watch ayaa
horey isugu khilaafay warbixino ku aadan xuquuqda
aadanaha oo ururkaasi ka soo saaray Ismaamulka
Soomaalida iyo ciidamadii Itoobiya ee galay dalka
Soomaaliya.
Itoobiya ayaa waxaa si xawli ah ugu qulqulaya
shirkado shisheeye ah oo aad ugu samaynaya
maalgshi kala duwan. Wadamada Hindiya, Shiinaha
iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Itoobiya
si xawli ah u maalgalinaya.