Beesha Meheri ee
waqooyiga Mareykanka oo taageertay samaynta Maamul
gobaleedka beelaha Dhulbahante
Anigoo ku hadlaya magaca qurbo-joogta waqooyiga Mareykanka
ee beesha Meheri waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa
beesha Dhulbahante dhamaantood kuwooda jooga gudaha
waddanka & dibedaba waxaanan ugu hambalyeyneynaa sida
geesinimada leh & weliba isku duubnaanta leh ee ay u
dhaqan geliyeen inuu u qabsoomo shirweynaha Khaatumo 2 kaa
soo ay uga arrinsanayaan masiirkooda reereed iyo weliba
danaha beesha oo ay meel qura uga soo wada jeedaan.
Waxaan haddaba kula talineynaa beelaha soomaaliyeed
dhamaantood in ay taageero aan kala har laheen u gudbiyaan
beesha Dhulbahante lana garab istaago qoddobada ka soo
baxa shirkaa Khaatumo 2,waxaan cod buuxa kula talineynaa
maamulada halkaa ka jirana aaney wax gacan gelin ah ku
sameyn beesha Dhulbahante ee ka tashanaya danahooda qaaska
ah.
Haddaba waxaan halkaan ka cadeyneynaa dhamaan beesha
Meheri iney la garab taagan tahey shirkaa Khaatumo 2 hiil
& hooba,waxaanan illaah ka baryeynaa in shirkaa uu ka soo
baxo qodobo wax ku ool ah oo beesha danaheeda ah, ku
dayashona u noqda dhamaan bulso weynta Soomaaliyeed una
xaara waddadii ay qaadi lahaayeen kaasoo dhalin kara
ineynu maanta helno waddadii nabada.AAMIIN INSHA ALLAAH.
Waxaa qorey C/qaadir Maxamed Samater(Cawaafe)
Afhayeenka beesha Meheri ee waqooyiga Mareykanka