Danjire Maxamed
Cali Nuur Ameeriko ayaa gaarsiiyey carruurta
Qaxootiga ah ee ku jira xerada Kaakuma Deeqo
kala duwan oo uu waxbarashadooda ku dhiiro
galinayo
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya
Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa gaarsiiyey
carruurta Qaxootiga ah ee ku jira xerada Kaakuma
oo ka mid ah xerooyinka ugu waaweyn ee ay
Soomaalidu qaxootiga ku tahay deeqo uu ku
dhiiragelinayo Carruurta Soomaaliyeed si ay
waxbarashadooda usii wataan.
Deeqdan ayaa isugu jirtay Kitaabada Qur’aanka
Kariimka ah,Buugaag,Qalimmaan iyo waxyaabo kale oo
Carruurta farxad gelinaya waxaana uu Mudane
Maxamed Cali Ameeriko deeqahaasi gacantiisa ku
gudoonsiiyey Carruurta qaxootiga ah ee ku jira
xerada Kaakumo ee dalka Kenya.
Safiirka oo markii uu kasoo laabtay xerada
Kaakumo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka
Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in
talaabada uu ku tagey xerada qaxootiga ee Kaakumo
ay jawaab u aheyd codsi ay horey ugu soo jeediyeen
Waxgaradka iyo maamulka Xerada kaasi oo ay kaga
codsadeen in uu xeradaasi soo kormeerro
islamarkaana uu ka qeyb qaato sidii ay Carruurta
Soomaaliyeed ee qaxootiga ah Waxbarashadooda heer
u gaari laheyd.
“Runtii aad ayey ugu farxeen carruurta deeqdii
aan u geynay farxadoodana way noo muujiyeen
arintaasina way igu dhiiragelineysaa inaan mar
walbo ka warhayo Waxbarashadooda kolba heerka ay
mareyso xaqna way u leeyihiin iney helaan
Waxbarasho Dhameystiran” ayuu hadalkiisa raaciyey
Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.
Dhanka kale Safiirka ayaa intii uu xeradaasi ku
sugnaa waxa uu kulammo uu ugu kuurgalayo xaalada
guud ee Qaxootiga ku jira Xerada Kaakuma la qaatay
Odayaasha iyo Waxgaradka isaga oo weydiiyey
baahidooda waxaana uu u ballan qaaday in uu juhdi
ku bixin doono sidii baahidooda loo dabooli lahaa.
Ugu dambeyntii Safiirku wuxuu ugu baaqay dadka
Soomaaliyeed ee wax heysta iney caawiyaan
walaalahooda Qaxootiga ah isagoo sidoo kalena baaq
u diray Hay’adaha Samafalka iyo Dowladaha Caalamka.
Deeqdan uu Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire
Maxamed Cali Nuur Ameeriko gaarsiiyey qaxootiga
Soomaaliyeed ee ku nool xerada Kaakumo ayaanay
aheyn deeqdii ugu horeysay ee uu gaarsiiyo
xerooyinka ay ku noolyihiin Qaxootiga Soomaaliyeed
ee ku yaala dalka Kenya.